25.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Sawirro: R/W Kheyre oo hoteelada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin iyo Shacab

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Khayre ayaa goobo Ganacsi oo saaran wadada Makka Al-Mukarama kula kulmay sodomeeyo shacab ah kuwaa oo xiligaa ku caweynaayay goobaha nasiinka ee lagu shaaho.

Dadka uu la caweeyay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa ku jiray mas’uuliyiin ka kala tirsan Golayaasha dowlada iyo Xarumaha dowlada kuwaa oo uu ka xog wareystay xaaladooda.

Dhinaca mas’uuliyiinta ee uu la kulmay Kheyre ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ee DKMG xiligii C/llahi Yuusuf Mr Maxamuud Xasan Cali Cade ”Gaaboow” iyo mas’uuliyiin kale oo ay Shacab qeyb ka yihiin kuwaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarama iyo Isla Hoteelka Makka.

Waxyaabaha uu Kheyre ka xog wareystay Mas’uuliyiinta iyo Shacabkii uu la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa dhinacyada Dhaqaalalaha , Amniga, Isbedelka Howlaha dowlada iyo Waxyaabaha dhaliisha ah.

Sidoo kale, Kheyre waxa uu halkaa uga Jawaabay su’aalo ay weydiiyen dhowr dhalinyaro oo fursad u arkay la kulanka Ra’isul wasaaraha.

Dhalinyarada waxa ay Kheyre ku dhiiri geliyeen ka warqabka xogta bulshada, iyagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay sida Ra’isul wasaarayaasha caalamka u shaqeeyan.

- Advertisement -

Read more

Local News