28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Sawirro cajiib ah: Dunida oo layaabtay libaax si hagar la’aan ah u nuujinaya harmacad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaan caajibka ah ayaa noqonaaya mid kusii baahaya baraha ay kuwada xiriiran Bulshada, waxaana u sababah in Bulshada adduunka ay aad ula cajabeen suuragalnimada in Liibaax dhedig ah uu si caadi ah u xanaaneysto Harmacadka.

Liibaax dhediga ah ee nuujinaaya Harmacadka, ayaa noqonaaya sawirkii ugu horreeyey ee abid laga qaado Liibax dhedig ah oo duurjoog ah oo xannaaneynaya dhallaanka qayb kale oo duurjoogta ka mid ah, waa dhacdo cajiib ah oo dhif iyo naadir ah.

Dadku horay uma aysan arag in Liibaax dhedig ah uu nuujiyo xayawaanka yar ee loo yaqaan Harmacadka kana mid ah duurjoogta.

Xiliga nuujinta ee Libaaxa iyo Harmacadka waxaa isha ku hayay Khabiirka inta badan nasiika ku qaata goobaha duurjoogta Joop Van Der Linde oo xiligaa ku sugnaa Hotel Ndutu Safari Lodge oo ku yaal deegaanka Ngorongoro.

Joop Van Der Linde qudhiisa waxa uu ahaa mid aad ula yaabay Libaaxa nuujinaaya Harmacadka, waxa uuna ahaa mid inta badan arki jiray Libaaxad nuujineysa dhalaankeeda.

- Advertisement -

Read more

Local News