Taliyaha booliska oo bilaabay howlo aan looga baran oo uu ku badbaadinayo xilkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid ”Saacid”, ayaa bilaabay howlo cusub oo uu ku ilaalsanaayo shaqada uu u hayo dowlada Federaalka.

Taliyaha oo maalmahaani la hadlayo in lagu sameynaayo xil ka qaadis isla markaana lagu bedeli doono Taliyihii hore ee NISA Jeneral Bashiir Goobe, ayaa iminka bilaabay in magaalada Muqdisho uu ka uruuriyo dadka aan caafimaadka qabin.

Taliyaha ayaa uruurinta dadka madaxa loogu jiro u xilsaaray Gaadiid iyo ciidamo gaara oo isku howla qabashadooda.

Ciidamada oo fulinaaya amarka Taliyaha Booliska ayaa dadkaasi madaxa loogu jira ku uruurinaaya Xarumo gaara, si looga nasiyo duruufaha ku heysta waddooyinka muqdisho oo ay ku noolyihiin.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid ”Saacid”, ayaa qeyb ka ah howlgalka lagu uruurinaaya dadka madaxa loogu jiro.

Howlgalka oo ah mid ku cusub magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in Taliyaha Booliska uu ula gol leeyahay badbaadsiga kursigiisa muranka ku jira.

Si kastaba ha ahaatee, saadaasha ugu badan ayaa ah in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed loo magacaabi doono Bashiir Goobe.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com