Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay Golaha Wasiirada cusub ee la filaayo inuu soo dhiso maalmaha soo socda.
C/weli Gaas, waxa uu sheegay in Golaha Wasiirada uu soo dhisi doono ay kamid noqon doonaan shaqsiyaad ku cusub Siyaasada maamulka oo ka koobanaan doona beelaha dega deegaanada maamulkiisa.
C/weli Gaas ayaa hadalkaani ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Maamulka kula qaadanaayay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, waxa uuna cadeeyay inuu doonaayo Wasiiro ka tayo badan kuwa hadda la kala diray.
Wuxuu Gaas, sheegay in Wasiirada cusub ee imaan doona uu kusoo xulan doono sifaad ay kamid yihiin Aqoon, Karti, Siyaasad wanaag iyo Khibrad shaqo.
Wuxuu Gaas, sheegay in Wasiirada cusub ay ka duwanaan doonaan kuwa hadda dhacay, waxa uuna cadeeyay in magacaabida soo socta ay ka adkaan doonto kuwii hore.
Sidoo kale, Gaas waxa uu sheegay in sifaadka ay kamid noqon doonto in Wasiirada cusub ay aqbalaad ka heystaan dhanka duubabka beelahooda oo ay matali doonaan.
Dhinaca kale, Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa labada Asbuuc ee soo socta gali doona Jawi aad u mashquul badan oo uu kusoo xulaayo Xukuumada cusub.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]