Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Odayaasha beelaha dega deegaanada maamulka.
Hogaamiyaha ayaa kulanka la qaatay Odayaasha saacado kadib markii ay Xildhibaanada rideen Golaha Wasiirada, waxa uuna durba bilaabay la tashiyo hordhac ah.
Hogaamiyaha ayaa Odayaasha sharaxaad kooban kasiiyay sida uu howsha u wado iyo inaanu yeelan doonin dhaliil dhanka xulista Golaha Wasiirada cusub.
Waxa uu Gaas Odayaasha u cadeeyay inaanu ilaawi doonin kaalintooda isla markaana beel weliba uu fursad usiin doono cida ugu haboon oo ay u igman doonaan kursiga ay ku leeyihiin Golaha.
Odayaasha oo dhowr ahaa ayaa sidoo kale Xafiiska Hogaamiyaha ka sheegay in ujeedka socdaalkooda uu yahay inaan laga talaabin la tashiyada ay ku leeyihiin xulista Wasiirada, waxa ayna soo dhaweeyen go’aanka uu Hogaamiyaha ku taageeray talashiyadooda.
Geesta kale, Riditaanka Golaha ayaa albaabo cusub u fureysa Hogaamiyaha maamulka oo isagu doonaayo xiliga doorashada ka hor inuu qanciyo beelo dhowr ah oo ka gadoodsan awood qeybsiga.
Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]