Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay mushaaraadka dowlada ku bixin doonto sifo sharci ah oo la wada ogyahay.
Wasiirka waxa uu sheegay inay adkaan doonto in Mushaaraadka uu ku bixiyo qaab khaldan waxa uuna carab dhabay in dadka Shaqaalaha iyo ciidanka lasiin doono mushaarka ay noqon doonaan kuwo sifo sharci ah ugu diiwaan gashan dowlada.
Waxa uu sheegay in khaladaadka ugu badan ay ka jiraan dhanka Hay’adaha amaanka, waxa uuna mugdi galiyay in shaqaalaha iyo ciidamada aan si sharci ah u diiwaan gashneyn qaatan mushaarka.
Wasiir Beyle oo hadalkan ka sheegay kulan lagu daraaseynaayay miisaaniyada ayaa cadeeyay inaan mushaar lasiin dooni shaqsiyaadka aan u diiwaan gashneyn dowlada ama xarumaha ay ka shaqeeyan.
Sidoo kale, Beyle ayaa ku baaqay in shaqaalaha dowlada si cadaalad ah loo mariyo liisaska lagu qaato Xuquuqda, waxa uuna intaa raaciyay inay fogeyn doonaan liis waliba oo aan loo qorin qaab cadaalad ah ama laga reebo muwaadinka xaqa u leh.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaarada maaliyada Xukuumada Somalia ayaa waxaa ku dhagan baarlamaanka Somalia, waxaana socda dib u daraaseyn lagu hayo liisaska ay shaqaalaha ku qaatan mushaarka.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

