25 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Kheyre oo shaaciyey qorshaha DF ee lacagta shilin Soomaaliga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysaa in ay soo daabacdo lacag cusub oo shillin Soomaali ah si xal loogu helo dhibaatada ka taagan lacagta oo ay ugu horeyso lacagta cusub ee been abuurka ah iyo duugoobista tii hore.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay booqday Bangiga Dhexe ee dalka ayaa gudoomiyaha Bangiga kala hadlay sidii loo soo daabici lahaa lacag cusub oo badasha shillin duugoobay.

Mudane Kheyre ayaa soo saarista lacag cusub ku tilmaamay waddada kaliya ee looga hortagi karo dhibaatada ka dhallan karta adeegsiga lacagta been abuurka ah, oo hadda gobollada dhexe ku haysa dhibaato xooggan.

Ganacsatada gobollada dhexe ayaa diiday lacagta shilin Soomaaliga, kadib markii ay sheegeen in mid been abuur ah suuqa lasoo geliyey, waxaana taasi ay xaalad nololeed oo aad u liidata gelisa dad badan, oo isku haleyn jiray lacagta shilin Soomaaliga, kuwaas oo aan hadda wax iibsan karin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dhowr mar horey u sheegtay in ay lacag cusub soo daabaceyso si muranka lacagta looga gudbo, laakiin wali ma aysan suurta galin arintaas.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News