Fadeexad: Muuqaal horseeday in xabsiga la dhigo amiir Sacuudi ah

Riyadh (Caasimada Online) – Saraakiisha Sucuudiga ayaa soo qabtay amiir ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaas, kadib markii uu tacaddi u gaystay tiro dad ah.

Boqor Salmaan, ayaa amray in in deg-deg loo soo qabto amiir Sucuud bin Cabddul-Casiis, kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya falka uu ku kacay.

Amiirka dhalinayrada ah ayaa lagu arkay muuqaalka isaga oo xiran dhar madow, isla markaana gacantiisa ku garaacaya qof rayid ah. Waxaana uu muuqaal kale muujinayaa isaga oo tacadi u gaysanaya dhowr qof.

Dadka dhibaatada kasoo gaartay falka amiirka waxaa kamid ah haween uu af-xumo kula kacay. Dadka qaar ayaana la arkayay iyada oo uu dhiig ka daadanayo madaxooda.

Bulshada Sucuudiga ayaa aad ugu faafisay muuqaalkan baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Boqorka Sucuudiga ayaa amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado amiirka, iyada oo aan la eegayn kaalinta uu bulshada kaga jiro.

Markii uu soo shaac baxay muuqaalka muujinaya tacadiga uu gaysanayo amiirku, ayaa waxaa si wayn u baahay astaan ah “Amiir Sucuudi ah oo ku xadgubay shacab”. Halka dadka qaarna ay ku baaqayaan dilka amiirka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com