Sawirro: Hirshabeelle iyo AMISOM oo heshiis dhul kala waregid ah kala saxiixday

Maamulka HirShabeelle ayaa dhul ku wareejiyay taliska hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo loo adeegsan doono hawlaha hawlgallada ciidanka iyo kuwa maamulka.

Heshiiskaan oo ka dhacay taliska AMISOM ee Xalane ayaa waxaa dhinaca AMISOM u saxiixay Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Caetano Madeira, halka HirShabeelle uu u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Cali Caadle.

Maamulka HirShabeelle ayaa haatan martigeliya labo ka tirsan talisyada AMISOM ee waaxaha, kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.