Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo shalay shaqo joojin ku sameeyey xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda Prof. Yaxye.
Ra’isulwasaare Kheyre ayaa Juxa ku canaantay inuu go’aankaan ku fududaaday isla markaasna ay aheyd inuu isaga kala tashto.
Juxa ayaa Kheyre u sheegay inuu Yaxye ku kacay dambiyo waaweyn isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in Shaqadiisa laga joojiyo.
Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof. Yaxye ayaa qaraaabo dhow la ah Ra’isulwasaare Kheyre, wuxuuna ku jiifaa kalsooni iyo taageero uu ka helayo Kheyre.
Kheyre ayaa isticmaalay istaraatiijiyad weyn kadib markii uu Wasiir ku xigeenka iyo wasiirul dowlaha ka dhaadhcsiiyey inay ka hor imaadaan go’aanka Wasiir Juxa, waxayna midaas keentay Khilaaf weyn oo ka dhex qarxay Wasaaradda.
Kheyre ayaa ku dadaalayo inuu Yaxye booskiisa sii joogo maadaama ay isku beel yihiin, kamana uusan hadlin xilkii dhawaan sida qaldan looga qaaday Bahlaawi oo ahaa agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta maadaama aysan isku qabiil aheyn.
Kheyre ayaa hadda culeys weyn saaray Juxa, waxaana laga yaabaa in laga noqdo go’aanka shaqada looga joojiyey, taasoo noqon doonto fedeexo iyo ceeb weyn oo ku dhacdo Ra’isulwasaare kheyre, Maadaama uu u xuub siibtay qabiileysi.
Waxaa meesha ka cadaatay inaan xil laga qaadi karin shaqsi kasta oo ay isku heeb yihiin Kheyre iyo shaqsiyaadka uu saaxiibda la yahay, taasoo caddeyn buuxda u ah inuu Kheyre yahay nin Qabiil oo uusan aheyn nin Qaran.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

