Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanada Nasteexo Maxamed Warsame oo loo yaqan Nasteexo Indho ayaa maanta mudo dhowr saacadood ah ku xayirneed garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Nasteexo Indho ayaa markii la xayiray waxay dooneysay inay ka dhoofto magaalada, oo ay dhowaan ku qabatay bandhig faneed ay ka qeyb galeen kumanaan shacab ah.
Fanaanada oo ku sii jeeday magaalada Dubai, ayaa markii ay tagtay garoonka ayaa waxaa xoogaa isfahamwaa uu soo kala dhexgalay iyada iyo sarkaalad ka tirsan ciidamada booliiska Somaaliyeed ee ku sugan gudaha garoonka kadib markii ay isku khilaafeen qeybta baaritaanka oo ay Nasteexo Indho Mareysay.
Inkasta oo maamulka garoonka aysan si rasmi ah y shaacin sababta, haddana ilo-wareedyo ku sugan garoonka oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Nasteexo Indho ay adeegtay in la baaro, ayna sheegtay inay tahay qof caan ah oo la yaqaan, inkasta oo sharciga uusan kala sareyn lahayn.
Mudo dhowr Saacadood ah ayay ku xayirneed gudaha garoonka, waxa ayna ku sigatay in ay ka tagto diyaarada Jubba Airweys oo ay ku qorneed in ay raacdo, iyada DJ Subeyr oo la socday.
Ugu dambeyn mudo kadib ayay Nasteexo Indho ka dhooftay Garoonka Aadan-Cadde iyada iyo DJ Subeyr, kadib markii la xaliyey muranka.
Ogeysiis
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

