Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegayo inay dhawaan xilalkooda iska casili doonaan laba xildhibaan oo kamid ah aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Labadaan xildhibaan oo saameyn ku leh beesha Darood ayaa la sheegayaa inay xilkooda iska casili doonaan sababo aan si rasmi ah loo ogaan weli.
Xildhibaanadaan sida hoose ku wareejiyay xubinimadooda aqalka sare ayaa kala ah Cumar Cabdirashiid iyo waliba Cabdiraxmaan Faroole oo haata ku kala sugan magaalooyinka Nairobi iyo Garoowe.
Labadaan mudane ayaa kamid ahaa musharixiinta utaagnaa jagada madaxweyne balse kahor doorashada waxa ka tanaasulay Cabdiraxmaan Faroole inkastoo Cumar Cabdirashiid oo soo galay kaalinta afaraad.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa xaqiijinayo inay labadaan mas’uul doonayaan inay xilkooda ku wareejiyaan dad ay ehelo isku yihiin, inkastoo Baarlamaanka Soomaaliya go’aamiyey in lagu laaban doono boos kasta oo ka banaanaado Baarlamaanka.
Golaha Baarlamaanka ayaa isku raacay in xildhibaankii xilkiisa iska casilo, midkii geeriyoodo midkii kalaba lagu laaban doono tartanka kursigaas sidii markii horeba uu isaga kusoo baxay.
Lama qiyaasi karo sida ay ugu suurta geli karto labadaan Mas’uul inay ehelkooda ku wareejiyaan xilkaas, waxaana soo baxayo warar sheegayo inuu Faroole xilkiisa ku wareejin rabo wiilka uu dhalay oo maalmihii dambe siyaasadda ku lug lahaa.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

