Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow faahfaahin ka bixisay isku dhacii u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo maanta ku dhex maray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay isku dhacaasi inuu ahaa shil ku dhacay si kama isla markaana ay ka xuntahay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in haatan uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadaasi.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaadhaanshigga Soomaaliya C/rashiid c/laahi Maxamed ayaa sheegay in falkaan dhacay dowladdu ay ka xuntahay sidoo kalana aysan saamayn ku yeelanaynin wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidanka Qaranka.
1-Dhageyso codka Taliyaha NISA Sanbaloolshe
2-Dhageyso codka wasiirka gaashaandhiga C/rashiid C/llaahi
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

