Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Gaashandhiga Xukuumada Somalia ayaa digniin culus kasoo saartay in ciidamada ka tirsan dowlada federaalka ay ku dhex dagaalamaan magaalada Muqdisho.
C/rashiid C/laahi Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somalia ayaa sheegay inay la xisaabtami doonaan Askartii ku dhex dagaalanta goobaha ay ku sugan yihiin bulshada.
Wasiir C/rashiid C/laahi Maxamed waxa uu sheegay in Hay’adaha amaanka ay dajinayaan qorshayaal looga gaashaamanayo in markale uu isku dhac dhexmaro Ciidamo ka wada tirsan Dowladda.
Waxa uu intaa raaciyay in ciidamadii lagu helo fal isku dhac ah la horgeyn doono sharciga, waxa uuna intaa ku daray in Hay’ad weliba ay la xisaabtami doonto ciidamadeeda.
Sidoo kale, waxa uu Wasiirka carabaabay in iminka guddi loo saaray baarista dhacdooyinkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo in la soo xaqiijiyo dadkii mas’uulka ka ahaa dhacdadas.
Haddalka iyo caga jugleynta Wasiirka Gaashandhiga ayaa kusoo beegmaaya xili iska hor imaadkaasi lagu dilay Taliye ku-xigeenkii hore NISA ee Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo qaar kamid ahaa ilaaladiisa.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

