Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday Mowqifkooda ku aadan go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka ay ku amartay in dib loogu laabto doorashada 8 kursi ee muranka ku jiro.
Maamulka ayaa sheegay in mowqifkooda ku aadan go’aanka Maxkamada uu yahay diidmo, isla markaana aysan u hogaansami doonin amarka ay Maxkamadu ku dalbaneyso dib ugu laabashada doorashada 8 kursi.
Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Hubka dhigista, Dhaqancelinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay arrinta Mowqifka ayaa sheegay inaanu aqbali doonin go’aanka Maxkamada Sare.
Wasiir Eelaay, waxa uu intaa raaciyay inay ku Mowqif yihiin Xildhibaanada baarlamaanka oo horay dood uga yeeshay arrinta ku celinta doorashada.
Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa ”Mowqifka Koonfur Galbeed ee dib ugu celinta doorashada waa mid aan kasoo horjeedno, waxaan taageereynaa go’aanka uu baarlamaanka Somalia arrintaasi ku diiday”
Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa horay u qaaday codka ugu badan oo ay ku diidayaan in dib loogu laabto doorashada 8 Kursi oo ay laashay Maxkamada Sare.
Haddalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili Maxkamadu ay ku adkeysaneyso in go’aanka dib ugu celinta doorashada Kuraasta uu yahay mid iyaga khuseeya.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

