Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay ahmiyada ay dalka u leedahay in la aasaaso axsaab Siyaasadeed lagu hormariyo hanaanka Siyaasada.
Jawaari waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in waxbadan ay iska bedeli doonto Siyaasada dalka, haddii la dhiso axsaab Siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye Jawaari waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay dhameystirka sharciyada ay ku dhaqan geli lahaayeen axsaabta Siyaasada oo uu sheegay in looga gaashamankaro qaababkii khaldanaa ee loo wajihi jiray Siyaasada mucaaradsan dowlada.
Jawaari waxa uu sidoo kale arrin muhiim ah ku sheegay in loo baahan yahay in axsaabta uu dalka kaga gudbo nidaamka qabaa’ilka oo uu u gudbo nidaamka axsaabta.
Sidoo kale, waxa uu difaacay Siyaasiyiinta dalka isagoo cadeeyay inay leeyihiin rabitaan ay ku sameysan karaan Xisbiyo sidaasi darteedna loo baahan yahay in la dadaajiyo axsaabta Siyaasadda.
Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili uu sii kordhaayo dhinacyada mucaaradka ku ah dowlada Somalia ee dhanka Siyaasada.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

