28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Sawirro: Amarkii wasiir Juxa oo guuleystay iyo xoghayihii wasaaradda oo xilka wareejiyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilka kula wareegay Xoghayaha Joogtada  KMG-ka ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamuud Xassan Azhari.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa 22-kii bishan xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayihii joogtada Wasaaradda Yaxye Cali Ibraahi, isagoo magacaabay Xoghaye KMG ah, waxaana xil ka qaadistaas ka dhashay muran iyo xiisad, kaddib markii wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda ay ka hor yimaadeen.

Munaasabadii koobneyd ee xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, waxaana Yaxye uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo xilka.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa Munaasabada ka sheegay in uu xilka wareejiyay islamarkaana uu la Shaqeyn doono,Cabdullaahi Maxamuud Xassan Azhari oo Maanta xilka uu ku wareejiyay.

Cabdullaahi Maxamuud Xassan Azhari.Xogheyaha Joogtada Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya ayaa isna sheegay in uu sihuufan u Shaqeyn doono.

Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Prof. Ibraahim diiday inay xil wareejinta kasoo qeyb galaan saxaafadda gudaha, taasoo keentay in si hoose loo qabto munaasabadaas, waxaana laga helay kaliya sawiro lagu qaaday Moobeelka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News