Xog: Kheyre oo rumeysan in Sanbaloolshe u horseeday qalalaase siyaasadeed (Maxaa socda?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka walaacsan qalalaase siyaasadeed kadib markii ay soo baxday in xildhibaano ay doonayaan inay xilka ka tuuraan taliyaha ciidamada nabad-sugidda qaranka, Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Kheyre uu aad uga carrooday hadallo uu Sanbaloolshe ku weeraray xildhibaanada, si gaar ahna Mahad Salaad, islamarkaana uu ciidamo hub raadinaya u diray guriga xildhibaan Yuusug Kabaale.

Ficillada Sanbaloolshe ayaa dhaliyey in xildhibaano dhowr ah ay billaabaan durba diyaarinta mooshin xilka looga qaadayo Sanbaloolshe, ayaga oo sidoo kalena qorsheynaya inay uga yeeraan baarlamanka, waxna ka weydiiyaan weerarkii uu ku qaaday xasaanadda xildhibaanada.

“Ra’iisul wasaaraha kuma faraxsana in Sanbaloolshe ku xadgudbo xildhibaano” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay qof ka tirsan xafiiskiisa.

Xildhibaano badan oo ka mid ah kuwa taageersan ra’iisul wasaaraha, ayaa sidoo kale la sheegay inay qeyb ka yihiin mooshinka xilka looga qaadayo Sanbaloolshe, sababtuna ay tahay ayaga oo diidan in lagu soo xadgudbo xasaanadooda.

Sanbaloolshe oo hadda ka hor xilka, oo kale ku waayey kadib markii uu xiray xildhibaan, islamarkaana aflagaadeeyey ra’iisul wasaare ku xigeen, ayaa ay u badan tahay inuu xilka weyn doono, sida xildhibaanada ay aaminsan yihiin.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
Caasimada@live.com