Koox hubeysan oo gudaha u galay guriga adweyne ku xigeenka Kenya iyo rasaas ka socota

Sugoi (Caasimadda Online) – Ciidamado hubeysan oo aan la garaneyn heybtooda ayaa goor dhaweyd weerar kula wareegay   Guriga Madxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto,waxaana ay gudaha u galeen dhismaha guriga halkaas oo uu hadda dagaal ka socdo, waxaana rasaasta laga maqlayaa Magaalada oo dhan.

Sida wararku sheegayaan Ragga hubeysan ayaa toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka GSU ee Kenya kaas oo ilaalo ka ahaa albaabka,waxaana ay gudaha Guriga ka wadaan dagaal iyada oo ay Rasaas xoog hel dhaceyso, wuxuuna dagaalkaan kusoo aaday xilli uu madaxweyne ku xigeenka uu daqiiqado ka hor guriga ka tagay.

Waxaa hadda dagaalka si rasmi ah ugu soo biiray Ciidamada Kenya ee gaarka, waxaana la xaqiijiyey inay weli socoto rasaasta socoto, wuxuuna gurigaas ku yaalaa degaanka Sugoi, waana guriga Ruto.

Wixii warar ah ee kuso kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
Caasimada@live.com