26.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Museveni oo ka yaabsaday Shacabka dalkiisa kadib markii Su’aal laga weydiiyay caafimaadkiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ugandha (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Kaguta Museveni, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay caafimaadkiisa tan iyo markii uu qabtay xilka.

Yoweri Kaguta Museveni, waxa uu sheegay inuu ka badqabo xanuun, waxa uuna sabab ka dhigay inuu yahay shaqsi mar weliba kaashta xeelado looga gaashanto xanuunada jira.

Yoweri Kaguta Museveni, waxa uu tilmaamay in dadka badi xanuunsada ay yihiin kuwo aaminsan inay dhimanayaan ama ay xanuunsanayaan, balse uu isagu yahay mid aan ka fekerin howlahaas.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Suuragal ma tahay inuu jiro qof idinka mid ah oo aaminsan inaan xanuunsaday ama la i dhigay isbitaal mudada aan hayay xilka”.

Yoweri Kaguta Museveni, waxa uu sidoo kale sheegay in inta badan Madaxweynayaasha adduunka ay yihiin kuwo xanuun la jiifa, kuwo hadda xanuunsan iyo kuwo ay ka tanbadisay da’da.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa muddo dheer London u jooga daweynta xanuun aan nuuciisa wali la shaacin.

Madaxweynayaasha Angola, Zimbabwe, Benin iyo Algeria ayaa safara caafimaad ugu baxay dalka dibadiisa sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo talada dalkaasi qabtay 1980kii ayay mucaaradku ku dhaliilaan in uu dalka ka maamulo “Sariirtiisa isbitaalka dusheeda”, kadib markuu saddex jeer uu safar caafimaad ku tagay dalka Singapore, sanadkan oo kaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Yoweri Kaguta Museveni ayaa shacabkiisa u sheegay inuu ka badqabo xanuun iyo da’ , waxa uuna meesha ka saaray warar sheegaya in mudooyinkaani uu ahaa mid xanuunsan.

Caasimada Online

Xafiiska Ugandha

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News