Oslo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka ka dhashay dilka toogashada ah ee lagu xukumay gacan ku dhiigle Axmed Caydiid oo ah ninkii dilay Allah u naxariiste Wasiir Cabaas Siraaji.
Axmed Macalin Fiqi ayaa si buuxda u taageeray xukunka dilka ah oo lagu xukumay ninkii dilay wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya, isagoo codsaday in la joojiyo qabyaaladda lana taageero go’aanka Maxkamadda sare.
Xildhibaanka ayaa hadalkaan sheegay isagoo ku sugan dalka Norway xilli uu la hadlayey idaacadda dowladda, wuxuuna ku dheeraaday ka hadlidda kiiskaan.
“Si kastoo ay daciif u yihiin maxkamadaha waa in la ixtiraamaa go’aankooda, in maanta qabiil laga dhawaajiyo oo lagu hanjabo waa khalad, dadka waxaas sameynaya ay caafiyadda joojiyaan, madaxweynaha saxiixiisa ayay ku xiran yihiin.” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.
“Dowlado waxay leedahay Hay’ado sharci ah, wasiir si kedis ah ku dhintay ma sahlana.., jawaabta laga bixinayo inay cadaalad noqoto bay ahayd, waxaan aamisanahay inaan loo dhaxeyn sharciga iyo ciddii dembigaasi gashay..” ayuu sii raaciyey.
Hadalka Xildhibaan Fiqi ayaa kusoo aadayo xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay go’aanka maxkamadda ee ahaa in la doogto gacan ku dhiigle Axmed Caydiid.
Dhawaan ayey aheyd markii ehelada Marxuum Cabaas ay codsadeen inay maxkamadda ku adkeysato go’aankeeda isla markaasna ay kaliya ku qanci karaan in loo fuliyo Khisaas.
Haddaba halkaan hoose ka daawo wareysiga Axmed Macalin Fiqi
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

