Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday markii la doortay in ahmiyad gaar ah ay siin doonto la dagaalanka Musuq-maasuqa oo kamid ah wax yaabaha ragaadiyey dawladnimada Soomaaliya. Waxana taa badelkaa meelaha qaar weli ku sii danbeeya dadka caanka ku ah musuqa iyo eexda.
Shaqsiyaad adeegsanaya magaca Wasiirka maaliyadda ayaa galiyey jahawareer shaqadii Wasaaradda, waxana ay qaadeen tallaabooyin isugu jira handadaad iyo shaqo ka fariisin ay ku sameeyeen xubno Muhiim ah oo horey uga shaqeynayay Wasaaradda, iyagoo ku badalay dad ay ehel dhow yihiin Wasiir Bayle. Falalkan ayaa u muuqda aarsi aan la garanayn ujeedka laga leeyahay.
“Waxaa ka jira Wasaaradda Maaliyadda qas baahsan oo sameynaysan qaar kamid ah ehelka Wasiir Bayle, kooxdan isku xiran ayaa musuq-maasuq iyo wax isdabarin caan ku ah. Xiligii uu Bayle ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ahaa sidan oo kale ayaa dhacday waxaana markii danbe arrinta qaboojiyey Raiisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed”. Ayuu yiri mid kamid ah dadka aadka u yaqaan Wasiirka Bayle oo la hadlayay Caasimadda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dad laga keenay Booramo iyo qaar ay saaxiibo yihiin Wasiirka laga soo buuxiyey Wasaaradda, isla markaana la rabo in la eryo dadkii horey shaqaalaha uga ahaa Wasaaradda Maaliyadda. Taasoo xadgudub ku ah xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo nidaamka sharciga.
Wasaaradda Maaliyadda oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee dalka laga eegayo marka laga hadlayo musuqa, ayaa waxaa xiligan ka taagan buuq xoogan oo la xiriira wax isdaba marin iyo eex ay ku kaceen xubno ku dhow Wasiirka Maaliyadda. Tani oo keentay in shaqadii Wasaaraddu ay gaabis gasho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

