27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: Marwada Robert Mugabe oo dhaawac u geysatay Gabar da’ yar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Saxaafada dalka South Africa ayaa baahisay warar sheegaya in marwada koobaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugabe ay geysatay tacadiyo.

Grace Mugabe, ayaa lagu eedeeyay inay ku xad gudubtay Gabar da’ yar oo ay isku maandhaafen Hoteel ku yaalla South Africa.

Gabadha eedeeymaha u jeedisay marwada Mugabe ayaa sheegtay in madaxa looga dhuftay jug, isla markaana xadgudubkaa ay kala kulantay Xaaska Mugabe.

Grace Mugabe oo loo heysto eeda ayaa dalkeeda ku laabatay iyada oo ka tagtay dalka Koonfur Afrika, ka dib markii ay ku guuldarraysatay in ay u tagto booliiska magaalada Johannesburg si wax looga waydiiyo eedaymo tacaddi oo lagu soo eedeeyay.

Marwo Grace ayaan ilaa iyo hadda aan ka hadal eedaynta loo soo jeediyay.

- Advertisement -

Read more

Local News