Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Jowhar ka bilowday kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia iyo Madaxda maamulka HirShabelle.
Kulamada oo xiisa gaara leh ayaa waxaa xal loogu raadinayaa khilkaafka siyaasadeed ee ka dhextaagan maamulka Hirshabeelle oo iminka gaarsiisan heerkii ugu danbeeyay.
Kulamada socda ayaa waxaa dhanka Xukuumada Somalia u matalaaya Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Waxbarashada Soomaaliya oo iyagu shalay tagay Jowhar, halka dhanka HirShabelle ay matalayaan Hogaamiyaha KMG Cali Guudlaawe, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka.
Wasiirada Xukuumada ayaa sidoo kale kulamo aan lagu kala kicin la leh Madaxweynihii shaqada laga eryay ee Cali C/laahi Cosoble, waxaana lasoo sheegayaa in Cosoble uu diiday aqbalaada xil ka qaadista lagu sameeyay.
Cosoble ayaa ku doodaaya inuu weli yahay Hogaamiyaha maamulka waxa uuna carab dhabayaa inuu sixi doono dhammaan khaladaadkii uu xilka ku waayay.
Dhinaca kale, Wasiirada Xukuumada ayaa xooga saaraya sida Cosoble looga soo kaxeyn lahaa magaalada Jowhar iyadoo ay jiraan cabsiyo la xiriira in halkaa ay ka dhacaan colaado.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar