Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Hay’adaha amaanka dalka ku amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo xasuuqii loo geystay qoyskii gaariga la socday ee 15-kii Bishan lagu rasaaseeyay Degmada Hodan ee G/Banadir.
Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaanka weerarkaasi loo geystay qoyska Ganacsade Xasan Cabdi Cawad looga fadhiyo Hay’adaha amaanka ee ku shaqada leh amniga.
Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in gacanta dowlada lagu soo simo Kooxihii ka danbeeyay falka lagu weeraray qoyskaasi muwaadiniinta ah.
Waxa uu Farmaajo sheegay falkaasi in aanan sidaasi looga hari doonin oo Dowladda Somaliya ay ku sameynayso baaritaan dhab ah.
Qoyskan oo gaari yar wada saarnaa ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Isbitaalkii Digfeer ee Degmada Hodan, waxaa halkaasi ku geeriyooday saddex, halka Afar kalena dhaawac uu soo gaaray.
Falka lagu rasaaseeyay qoyska ayaa iminka noqonaaya hadal heynta ugu badan, maadaama aysan dowlada Federaalka horay uga hadal falkaasi, markii laga reebo amarka hadda kasoo baxay Madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan iminka gacanta ku jirin Kooxihii falka geystay oo aan la garaneynin halka ay feker ahaan kasoo jeedan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]