26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

General Galaal oo ka dhawaajiyey in Ciidamo ka tirsan Damuljadiid ay la wareegeen Mareerguur

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – General Maxamuud Nuur Galaal oo wareysi siinayey idaacadad BBC Laanteeda afka Soomaaliga ayaa ka dhawaajiyey cidda ay taagersan yihiin ciidamada maanta la wareegay deegaanka Mareerguur oo ay gacanta ugu jiri jirtay Ahlu Sunna.

Generaalka ayaa ka dhawaajiyey in ciidamadaas aysan ka amar qaadan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf isla markaasna ay yihiin ciidamo ka tirsan haraadigii Damul Jadiid sida uu hadalka u dhigay.

Generaalka ayaa sheegay in Xaaf iyo Sheekh Shaakir ay isku soo dhawaadeen isla markaasna ciidamadaas ay doonayaan inay carqaladeeyaan isku soo dhawaanshaha la helay, wuxuuna ku eedeeyey arrintaas Damul Jadiid.

Generaal Galaal ayaa shalay gaaray Magaalada Cadaado isagoo  ku dadaadalayo sidii xal waaro looga gaari lahaa khilaafka mudada badan u dhaxeeyey labada garab ee isku hayo gacan ku heynta Deegaanada hoos imaado Maamulka Galmudug.

Hadalkaan ayaa imaanayo kadib markii maanta ay ciidamo hubeysan la wareegeen Deegaanka Mareerguur oo ay gacanta ku hayeen Ahlu Sunna, waxaana la xaqiijiyey in ciidamadii Ahlu Sunna ay isaga baxeyn halkaas markii ay awoodi waayeen inay iska dhiciyaan ciidamadii weerarka kusoo qaaday.

Wixii warar ah ee kusoo kordhan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News