28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Jeffrey: Somalia waxay ka dheereyneysaa dowladaha kale ee Afrikaanka ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo booqasho kusoo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa si faahfaahsan uga hadlay hormarada ka socda dalka Somalia.

Jeffrey D. Feltman, waxa uu sheegay inuu ka tanaasulaayo sharaxaadii laga siiyay muuqaalka Somalia, oo ahaa mid xun, balse uu iminka arkay muuqaal aad u qurxoon.

Jeffrey D. Feltman, waxa uu tilmaamay in Somalia ay aad uga bilicsan tahay dalal afrikan oo dhowr ah, kuwaa oo aan dhismin wixii ka danbeeyay colaadihii ka dhacay Africa.

Jeffrey D. Feltman, waxa uu sheegay in booqashadiisa Somalia ay aheyd mid taariikh ah, maadaama uu indhihiisa ku arkay muuqaalka saxda ah ee Somalia.

”Waxaan Somalia ka aaminsanaa dal gabi ahaantiisa aan dib u dhismin, waxaan hadda arkay dal waddooyin waaweyn leh oo aad u dhismay”

Jeffrey D. Feltman, ayaa sidoo kale Somali ku sifeeyay dal ku haboon dalxiiska, maadaama ay leedahay hawo ku haboon nolosha aadamiga.

Sidoo kale, Jeffrey D. Feltman ayaa ballanqaaday inay dhameystiri doonaan muuqaalka qurxoon ee iminka ka jira Somalia.

Haddalka Jeffrey D. Feltman ayaa kusoo beegmaaya xili uu dhismo ka socda inta badan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News