28.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Sawirro caajib ah: Daawo bilicda iyo baaxadda saldhigga Turkiga ee Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa la filayaa inay dhowaan xariga ka jarto saldhigga milatari ee ay ka sameysatay magaalada Muqdiho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo ku yaalla dhanka xeebta, wadada aada Jazeera, taasoo magaalada Muqdisho u jirta illaa 3KM.

Ku dhawaad 200 oo askari oo saldhigaas ka howl gali doona ayaa horaantii bishan soo gaaray Muqdisho, waxaana la filayaa in ay qayb ka noqdaan askarta ka howlgali doonta saldhiggaas.

Saldhigga ayaa qorshihiisu yahay in lagu tababaro illaa 1,500 askari oo Soomaali ah, iyadoo ay tababari doonaan Saraakiil milateri oo ka socda Turkiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa shaaciyay askarta qeybta ah saldhiga Milateri ee bisha soo socota laga furayo magaalada Muqdisho.

Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga. Waxaa kaloo ay leedahay goobo lagu ciyaaro kubadda cagta, meel orodka, halka lagu shiish barto iyo qeybo kale.

Sawirradii ugu horeysay ayaa laga soo qaaday saldhiggaas oo baaxad weyn iyo bilic ay ka muuqato.

- Advertisement -

Read more

Local News