Deegaanka Bariire waxaa lagu laayay 10 qof oo shacab ah, kuwaas oo iskugu jira caruur, waayeel iyo da’a dhexdhexaad.
Hadaba arrinkaan waxaa sababay labo arrin midkood:
1. In dowladda Maraykanku rabto sii socoshada qalaalaasaha Somalia. Wixii ka danbeeyay 18-kii askari ee Maraykanka ahaa kuwaas oo Muqdisho lagu laayay, Maraykanku wuxuu Somalia ku hayay hagardaamo siyaasadeed, layn dadwayne iyo dibin-daabyo dhaqaale sidaas darteed dhacdadaan waxay u egtahay mid uu rabo in uu jiha wareerin iyo qalalaase siyaasadeed ku abuuro si isku dhaca qabiiladu u sii socdo markaas uu awood dheeri ah ugu helo sii joogistiisa Soomaaliya.
2. Loolanka deegaan ee ka jira Shabeellada hoose, waayadaan danbe waxaa ka jiray deegaanka dagaalo u dhexeeya qabiilada degga qaybtood sidaas darteed waxaa dhici karta in garab ka mid ah garbaha ku hardamayay deegaanka uu siiyay ciidamada Maraykanka xog khaldan sidaasna arrinku ku dhacay.
Soomaaliya waxaa marar badan ka dhacay weeraro noocaan oo kale ah kuwaas oo qabiilada qaybtood isu adeegsadeen awoodo shisheeye, dhacdooyinkaas ayaa ka dhacay goballada Gedo, Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Dowladda Soomaliya waxaa la gudboon in ay samayso xog baariis dhab ah oo ku qotonta qaabkii dhacdadaan ku dhacday, ayna ka hortagto soo laabashada falalka noocaan oo kale ah iyo in ay tallaabo ka qaado cid walba oo ku lug yeelata dhacdooyinkaan oo kale.
Illaalinta shicibka aan waxba galabsan xuquuqdooda, naftooda iyo maalkoodka waa mabaadi’ida ay ku dhisantahay quruumaha midoodabay (UN-ka), dowlada aduunka oo dhan gaar ahaanna Soomaliya, ciddi ku gabood fashana waa in lala tiigsado sharciga.
W/Q: Abdiwali Sheikh Farah.
Falanqeeye arrimaha bulshada iyo siyaasadda.