Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho, isaga oo diyaarad la raacay shacabka sidoo kale magaalada ka dhoofayey.
Thaabit ayaa raacay diyaarad ku socotay magaalada Nairobi, waxaana la filayaa inuu uga sii gudbo magaalada Addis-Ababa oo uu safar shaqo ku aaday.
Baraha bulshada ayaa lagu baahiyey sawirrada Thaabit oo saaran diyaaradda, isla markaasna ku dhex jiro bulshada dhexdeeda, wuxuuna intii ay diyaarada sii socotay xog wareysi iyo sheeko la yeeshay dad badan oo diyaarada saarnaa oo ay kamid ahaayeen dhallinyaro.
Inta badan madaxda dowladda ayaa raaca diyaarado khaas ah ama diyaaradaha shacabka ka raaca qeybta first class-ka ama dabaqadda koowaad.
Xubno ka tirsan maamulka gooblka Banaadir ayaa sheegay in gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu qaatay qadiyada ah inaan lacagta loogu talagalay in shacabka loogu adeeggo aanan lagu kireysan diyaarado khaas ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada safarka Thaabit


