Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, ay gaaran Guddi Wasiiro ah oo loo xil saaray baaritaanka dhacdadii ka dhacday deegaanka Bariire.
Guddigani oo heer Wasiiro ah ayaa waxaa baaritaanka u xilsaaray xukuumadda Somalia, iyadoo lagu amray inay natiijo ku keenaan muddo 5 cisho oo gabagabo ah.
Guddigani maanta ku wajahan deegaanka Bariire, ayaa waxaa hogaaminaaya Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”.
Guddigani heerka Wasiir ah ayaa Shalay magaalada Muqdisho ku qaabilay tirro Odayaal ah oo kasoo jeeda qeysaska tobankii qof ee Ciidamada Mareykanku ku laayeen deegaankaasi Bariire.
Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka lagu waddo in ay maanta Gaaraan degaankaasi qaar ka mid ah Eheladda dadkii lagu laayay degaanka Bariire.
Sidoo kale, Guddiga ayaa waxaa fursada lasiiyay uga hartay muddo labo maalin oo kaliya.
Si kastaba ha ahaatee, dilka dadkaasi shacabka ah ayaa noqonaaya midka ugu hadal heynta badan ee iminka ka taagan magaalada Xamar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

