25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Waa kuma qofka damaanad qaaday inuu bixin doono lacagta diyada dadkii Bariire haddii ay dowladda bixin weyso?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Siciid Nuur Gariish oo kamid ah xildhibaannada qaranka ayeey sheegayaan warar hoose oo ay heleyso Caasimadda Online in uu yahay wakiilka u dhaxeeya beesha Habar Gidir iyo dawladda Soomaaliya.

Habar Gidir ayaa gees adag ka istaagtay arrintii Bariirre, taas oo xitaa gilgishay Villa Somalia, waxaana uu Farmaajo u baahday in uu helo qof dulaal kaga noqda beeshaas xamaasadeysnaa.

Odayaasha beeshaas ayaa dood ka keenay haddii ay Farmaajo uu ka baxo ballanka ah in la bixiyo lacagaha diyada ah ee ay ballanqaadday in ay bixineyso.

Gariish oo ah xubin firfircoon oo saameyn kuleh beeshiisa Cayr ayaa ballanqaaday in uu isaga bixin doono lacagahaas xitaa haddii ay dawladda dhacdo.

Farmaajo ayaa amaan ugu qubeeyay Gariish oo furtay, maadaama xaal iyo Xaajabba ay iskugu xir xirneyd, sidoo kale wasiir Qoor-Qoor ayaa kaalin mugleh ka geystay dajinta xaaladdan.

- Advertisement -

Read more

Local News