Warar dheeri ah oo ka soo baxaya xiriirka Qalbi-Dhagax iyo dowladda Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) –Xogta laga helaayo sarkaal Cabdikariim Qalbi Dhagax, oo ka tirsan ONLF, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya  gacanta ku dhigtay ayaa isa soo taraysa, waxaana helnay caddaymo muujinaaya  in ay jireen wada hadallo dhex maray Sarkaalkan iyo dowladda Itoobiya bilowgii sanadkii 2014-kii.

Xogaha aan helnay ayaa muujinaaya in Qalbi Dhagax ay Safaaradda Itoobiya ee  magaalada Muqdisho ay usoo saartay Bishii November 2014-kii  waraaqaha socdaalka “ Travel document”, si uu dib ugu laabto dalka Ethiopia.

Tallaabadaas ayaa qayb ka ahayd, sida ilo ku dhow safaaradda ay sheegeen, qorshe dowladda Itoobiya ay ku doonaysay in Qalbi Dhagax uu soo xareeyo xubno muhiim ah oo ka tirsan ONLF oo ku nool dibadda.

Sida ku cad waraaqaha socdaalkiisa oo nuqul ka mid ah aan gacanta ku dhignay, waxay ahayd in sarkaalkaani uu dib ugu laabto Dowladda Deegaanka Soomaalida ee uu kasoo jeedo, balse waxaa dhacay Isfahan darro soo kala dhex gashay isaga iyo dowladda Itoobiya.

Arrintan ayaa waxa ay muujineysaa in xaqiiqda ay tahay in Qalbi-Dhagax iyo dowladda Ethiopia uu ka dhaxeeyey xiriir, waxaana ilo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay sheegeen in Qalbi-Dhagax uusan ahayn nin ka baxsanayey dowladda Ethiopia, oo qasab lagu qabtay.

Waxaa jira warar sheegaya in isaga uu doonayey inuu Ethiopia isu dhiibo, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay fududeysay arrintaas, ayada oo qorshuhu ahaa inuu doonayey inaan loo qaadan nin is-dhiibay.

Ilo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeystay in dhowaan wax walba ay kala caddaan doonaan, islamarkaana la ogaan doono xaqiiqda Qalbi-Dhagax.

Qalbi Dhagax oo muddo saddex sano ah ku sugnaa Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay inuu naftisia u baqay, sidaas darteedna uu go’aansaday in la bad-baadiyo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay arrintan ka caawisay

Warqaddan hoose ayaa caddeyn u ah inuu xiriir ka dhaxeeyay Qalbi-Dhagax iyo dowladda Ethiopia.