27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Maxkamadda sare Kenya oo laashay Natiijada Doorashada & Madaxweyne Kenyatta oo ka hadlay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa barkhanimadii maanta ku dhawaaqday in aysan waxba ka jirin Doorashadii Madaxtinimo ee 8-dii bishan ka dhacay dalka Kenya.

Maxkamada ayaa sheegtay in Doorashada ay kasoo qaadi doonaan mid aan waxba ka jirin, isla markaana ay ka gaari doonaan xal degdeg ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in la soo daabacay warqado dheeraad ah, kuwaasi oo lagu daray Doorashada.

Waxa ay Maxkamadu tilmaantay in warqadahaasi ay guusha siisay Madaxweynaha markale ku guuleystay xilka Madaxweynanimo.

Mr. David Maraga oo ah Madaxa Cadaalada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay go,aanka kadib dhageysiga dacwad socotay 3 maalin.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono go’aanka Maxkamada.

Kenyatta waxa uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn go’aankii Maxkamada Sare ku laashay guushii uu ka gaaray Raila Odinga.

Waxa uu sheegay inuu tixgalinaayo sharciga dalka balse uusan raali ka aheyn guusha uu muranka Doorashada ka gaaray Raila Odinga.

Kenyatta ayaa sheegay in uu diyaar u yahay Doorasho ku celis ah oo dalka ka dhacda isagoo dhanka Mucaaradka ugu baaqay in ay diyaar garoobaan, oo markale aysan andacoon.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxda sare ee Maxkamada ugu baaqay inay ka fiirsadaan go’aanka dib ugu laabashada Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News