25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

WADANIGA IYO KHAA’INUL WADAN (Dad dowladnimo diidan daldalool uma waayaan)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa daliil iigu filan dhaqanka iyo hidihii maguuraanka ahaa ee ay nooga tageen awoowayaashayo. Dhaxalkaasi hadii aad tahay mid ilaashaday wax wayn oo nolashaada ka mid ah ayaa maarayn kartaa marka ay timaado mushkilada Soomaaliya haysata maanta

Maahmaah ayaa ahayd;  Hasha  Maqaarka Diidan, Daldaloolo ma weydo;

Masaladani waatan aan maanta u dhigayaa sidan,  Dad Dowladnimo diidan daldalool ma waayaan, Soomaaliya meeshii Hasha ayay taagan tahay, uu ubadkeedii ka dhintay, Soomaaliyana Qaran dhan ayaa la dhumiyay, waxaa hada loo dhoodhoobayaa oo loo ekeysiinayaa Dowlad si ayba ugu godlato, mustaqbalkana Dowladnimo rasmi ah darar ka maashaan. Hadaba see Dowladnimo loo gaarayaa, hadiiba la diidan yahay in dheriyo loo mudo dabkii dhuuniga lawada doonayo lagu karin lahaa?  Dadkaasi waa kuwa qarinnimada Soomaaliya godka dheer gashay.

Mid kale ayaa lahayd; Rag la’aani wax kuma yeesho, Ee Rag Xumaa wax ku yeesha

Waa dhaxal kale oo aanan ilaawayn, Rag xumo in ay Soomaali waxyeeshay yaa diidaya, cidna, waa cadaan tani, waxii dhacay Soomaaliya Rag xumay eersatay. In Qaran dhan la lumiyo ma ahan wax sahlan, in 27 Sano ka dibna aan lakala aqoon wixii qarankan laharay iyo waxa dani ku jirto waa Rag xumo tan u daran.

Tanaase iiga sii yaabisay;  Wax Walba Run Moodaa Rag ugu Liita v Aqoon yahan.

Soomaalidii hore nolasha noocay ahaataba waa soo mareen Rag baana ka talin jiray, kuwase maanta tii horena war uma hayaan, tan cusubna garaad uma hayaan. Waana tan manta taagan oo af-kii hadlaaba, oo shar ku hadlaba la isweydiin mayee waxaa la oran saasaa la yiri, oo hade dhab ah. Waxaase Dhab ah tan oranaysa Wax Walba Run Moodaa Rag ugu Liita.

Durbaanada Cadowga Soomaaliya ee khaa’inul wadanku marka uu tumayo aqoonyahanada hore kala qabsada ayaa su’aal weydiin lahaa, wali ma maqasheen Wax Walba Run Moodaa Rag ugu Liita, mase maqasheen Sayid Maxamed markuu lahaa.

CAQLI HADAAD LEEDAHAY, WAXBAA LA ICTIBAARSHAAYE

CINDIGAA WAX LAGA FIIRIYAA, CAYNKA AY NOQONE.

Waxa uu muujinayaa sida caqliga looga shaqeysiiyo, loo darso, dhinac walba laga eego, aadna u odorasi kartid halka ay xaajo ku biyo shuban, intaas Sayid Maxamed ishaarayo adaa lagaa rabay. Halkale oo lagaa rabay aqoon yahan ahaan waxa ay ahayd in ay raadraacaan xeerarka Critical Thinking-ka.

John R. Childress oo khabiir ku xeel dheer Hogaanka iyo maamulka ganacsiga ayaa buugiisa LEVERAGE: The CEO’s Guide to Corporate Culture: ku yiri Dhibaatada khuburadu waxaa weeye waxay ogyihiin wax badan, laakiin waxay fahamsan yihiin, wax yar. Tan ayaa aqoon yahan badan oo Soomaaliyeed ku arkay, waa maasha allaah, laakiin fahamka marxalada Soomaaliya iyo dhaqanka jira ayaa wax badan u diidaya in ay la saanqaadaan waxa socda.

Aan runta abaarno Soomaaliya manta waxa ay u baahan tahay sal u mudid, qotomin qaran calan iyo ciid leh, waxaana lagu gaari karaa markaan yaqiinsano, meesha aan taagan nahay iyo waxa aan qabsan karno. Haatan iyo dan , Inta aanan docadocayn meel aan waxba jirin, aan idinweydiiyo meesha aad taagan tihiin? Waxaad isku haysataan? Iyo Waxaad tihiin?

Jawaabta aan idin siiyo: Waxaad ka taagan tihiin daleel maran Dowladnimadii: Waxaad leedihiin xuduudo furan, bad iyo beri midna ma ilaalshataan, hawadana ku dar, Dowladnimada aad sheeganaysaan ee aad cambaaraynaysaan manta ayaa ciidan shisheeye idinka horjoogaa, iskadaa shisheeyee kuwaad cadowga ku sheegayseen Ethiopia ayaa qabaa’ilo walaalo ah ku kala dhexjira si dhiigooda u kala badbaadshaan, idiin dhimanaya, ilaa iyo hada iima sheegi kartid xal aad inta miis wada fariisateen aad Soomaalinmo ku walaalowdeen.

Waxaad isku haysataan? Dal calan iyo ciid leh, ikhtiyaar ah, cidna ayan wax u yeerin, walaalo ah oo wax wada wadaaga.

Mid ka mid ah Madaxweynayaashii Maamul Gobaleedyada Madashii Xassan Shiiilh ka mid ahaa, ayaan dhawaan mar uu noo waramayay waxa ay soo mareen xiligii diyaarinta doorashadii 2016-kii, wuxuu yiri Waa inagii ku heshiinay in aan lacag urursano maamulgobaleedyada kana ururiyaan musharixiinta si loogu kabo olalihii doorashada, lacagtii mrkaan soo ururinay ayaan waxa aan ku shubnay akoon aan Dahabshiil uga furnay, qoladii Beesha Caalamka ayaan ku wargalinay in lacagtii halkaas taal, Dahabshiil lacagtaas waxa ay ka goosanaysay 1%, Beesha caalamku waxa uu nagu wargashay in aan lacagta kusoo shubno UNDP oo ku wareejin doonta Adam Smith Institute, arinta doorashada wax ka waday, lacagtii hadii laga wareejiyo Dahabshiil, labadaas hay’adood waxa ay komishin u qaadan doonaan isku dar 38%, taasoo la macno ah lacagtii Soomaalidu iska ururisay 38% hay’adahaas ayaa afka u dhigtay, wuxuu yiri waan ka doodnay, waxaana nala yiri hade doorashadaad diidan tihiin. Tani waxa ay cadayn u tahay in badan oo hadaaqaysa in aysan la socon marxalada dhabta ah ee dalku ku sugan yahay.

Waxaad tihiin? Waan ogahay in wanaagsan oo niyad fiican waa jiraan, laakiinse waa waxkumataal niyadoodu hadii maalin walba xumaha dadka iyo dalkoodu ku socdo ayaga oo u jeeda aanan juuqna oranayn. Waxaad tihiin isweydiin mayno, umad aan sumad lahayn, waxaa ka horeysa in aad Sumad leedahay, Sumadaadu waxa ay ahayd Qarankii aad godka galisay, walina diidan tahay.

Qarankan waxaa la haray khaa’nul wadan, aan kala jeclayn dal iyo dad, horay ayay ula hareen, maantana waa kuwa lugaha haysta, Dowladaan loo warma tumanayo.

Dhagarta KHAA’INUL WADANKA

Madaxweynihii Georgia Saakashvali ayaa 2005-kii markii ay Raashiya isku dhaceen, asagoo dadkiisa xasuusinaya Khaa’inul Wadanka, yiri Wadankani waxuu lahaa Geesiyaal  u dagaalamay Georgia, Waxaan kaloo lahayn Khaa’inul wadan, noosoo hogaansha Raashiyaanku in uu wadanka qabsado,  kuwaasoo la kulmi jiray iska caabinta Geesiyadayada, laakiin waxaa guulaysan jiray Khaa’inul wadanka, walow ay ahayd guul aan sii ridnayn, aakhirkana geesiyadayadu ayaa libinta ku danbayn jirtay. Ogaadase Khaa’inul wadanku mar walb Georgia ka dhaamaan mayo, Geesiyaduna dhamaan mayaan. Hadalkiisaas ma isleedahay Soomaaliyuu ku xasuusin.

1951-kii ayaa Ra’iisulwasaare loo doortay Dr. Mohammed Mossadegh wadanka Iran, talaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa, in uu qarameeyo shirkadihii shidaalka ee wadanka, waxuu badalay oo wax ka qabtay noloshasii aasaasiga ahayd ee Bulshadiisa Iran, shacabkii wadanka ayaa u aqoonsaday wadani u soo baxay, boqorkii Shaahuna wadankii waa isaga cararay. Waxaase talaabooyinkaan halis u arkay MI6- UK  iyo CIA-USA, ayagoo af-gambiyay 1953, Dr. Mossadegh, Shaahiina soo ceshay, waxaana qayb wayn ka qaatay Af-gambigaas Khaa’inulwadan Iraniyiin ahaa, mu’aamaradaas waxaa lagu magacaabi jiray TPAJAX .

Pakistan, Liaquat Ali Khan, Waxa uu noqday Ra’iisulwasaarihii ugu horeeyay Pakistaan, waxuu ahaa nin karmeed aqoon iyo karti isku darsaday, waxa uu sare u qaaday nolasha aasaasiga ah ee wadankiisa, waxa uu lahaa aqoon dhinaca diinta ah, asaga oo islaamnida ka dhigtay halbeega xukunkiisa, waxa uu diiday in uu dhinacna la safto Reer Galbeedkii Nato iyo Reer Barigii Warsow ee Raashiya, tanoo ka caraysiisay reer Galbeedka, maadaama uu Dimuqraadi ahaa wadanku, waxaa laga codsaday in uu cadaadis la saaro Ra’isulwasaraha Iran si uu ugu nuglaado reer Galbeedka, asna waa diiday, hal mar ayaa waxaa ku kacay Khaa’nul wadan u adeegaya danaha wadamada kale ayagoo isku dayay in uu dhinac la safto Nato ama Warsow, October 16, 1951 ayaa mu’aamarad lagu dilay, dadka dalkiisuna waxa ay u aqoonsadeen, Shahiidkii Qaranka. Waxa Soomaaliya hada laga wado soo ma ahan.

Nakrumihii Gaana, ayaa Khaa’inulwadankii waxa ay ka gilgisheen in uu kiciyo dareenkii dadyowga qaaradii afrika, si ay siyaasadooda u maamushaan, hantidooduna u noqoto dhaxal ayagu leeyihiin kuna ciil baxaan, Buugiisii uu qoray 1965-kii ee Neo Colonialism, The last stage of Imperialism, ayaa reer galbeedka nabar ku noqday, waxaana af-gambi xilkii looga tuuray 1966- asagoo dibada ku maqan, aragtidiisii qaaliga ahaydna iyo waxtarkii uu wadanka la rabay halkaas ayaa khaa’inulwadan kusoo afxiray.

Dadka loo yaqaan Moors, ayaa afrikaanku waxa ay ugu yeeraan, Dadka ugu khaa’inulwadansan, ayagoo yiraahda cadaankii afrika gumaystay waxaa soo horkacay Moors, oo ayagu cadaanka iyo muslimiinta lasoo macaamilay. Moors-ka ayaa laftigoodu dad madow ah, ilaa carabtaba la raacsho, halka Portaqiiska oo kale Sirilanka, Hindida iyo Bangaladheskaba ugu yeeri jiray Moors.

Bil ka hor 27/07/2017-kii Madaxweynaha Maldives, Abdulla Yameen oo ka hadlay maalintii xornimada qaatay wadankiisu, ayaa yiri ma jirto  maalin qorax soo baxdo,  midna dhacdo oo aan nalagu qasbin in aan wadanka u ogalaano diin aan tan islaamka ahayn, anagoon 100% muslim ah, una hogaansan diinteena. Hadaba ogaada waxaa jira KHAA’INUL WADAN aan wadanka la rabin nabada aan haysano, quruxda wadanka iyo horumarka aan samaynayno, Ogaada wixii 1988-kii Af gambigii fashilmay wadanka u soo horkacay calool u shaqeystayaashii Tamilka ahaa waxa ay ahaayeen Maldives Khaa’nul wadan ah. Maanta waxaan u jeednaa qolo kale oo dibadaha ka qaylinaysa shisheeyana rabta in ay wadankan u soo horkacdo, kuwii shalayna wadadoodana maraan… Soomaaliya miyaanan Khaa’inulwadan u soo horkicin Jin iyo Jaan, iswaydiin mayno. Miyaysan Soomaalida Qurbuhu waxa ay wadaan uusan ka hadlayn?

Najib Razak Ra’iisul Wasaaraha Malaysiya ayaa 31/08/2017-kii, asaga oo ka hadlaya maalinta xornimada wadankiisa yiri Wadankani wuxuu halis ugu jiraa Gumaysi labaad, Khaa’inul wadan ayaana horsed u noqon kara.

Gabyaagii reer England William Blake, ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, ayaa laga hayaa oraah oranaysay It is easier to forgive an enemy than to forgive a friend.. Waa fududahay in aad Cadaw cafisid, laakiin waa adag tahay in aad Saaxiib cafisid,. Aniguse waxaan oran lahaa waa adag tahay in aad Khaa’inul wadan cafisid marka loo eego Cadawga.

Soomaaliya maanta cadowgeedu waa Khaa’nul wadanka, asaga iyo Ethiopian-kana asagaa daran. Wadiniyad indho la’aan ah waa masiibooyinka jira manta, qaranimada baaba’ iyo hooga u horseeda.

Ninka Soomaaliga ah ee raba in aan wadaniga ugu yeero, ma wuxuu rabaa in Cayda Ethiopia iyo Cadaawada Ethiopia iiga dhaadhacsho in uu wadani yahay. Taasi ma ahan macquul. Wadanigu waa in uu ahaadaa kan jecel dadkiisa iyo dalkiisa, qabyaaladina aysan indhaha ka xirin iyo nacayb. Hadii aad wadani tahay ka shaqee dadkan Soomaaliyeed ee kala firiqsan, qalbiyadoodii kala jeedaan, sidii aad iskugu soo dumi lahayd, markaad qaran dhisatid dad iyo dal haysta cidaad doontid la ficiltan.

Waxaan nahay qaran khayrkood gacmaha u hoorsada, Hay’ado iyo safaaradaha wadanka ayaa gacmaha loo hoorsadaa. Xubin ka mid ah wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa maalin 2016-kii, waxaa ay la kulantay Safiirada Soomaaliya fadhiya mid ka mid ah, Safiirkii ayaa wuxuu bilaabay ceebeynta madaxda Soomaaliya, sarkaalkii Soomaaliga ahaa oo nin dhalinyaro ah ayaa yiri waa ceeb in aad madaxdayda sidaas uga hadashid, Safiirkii waxa uu yiri fiirso, Mobile ayuu ugu baaqay madaxdii wadanka ugu saraysay mid walbana horuu kazoo wacaa, markaas ayuu ku yiri hawlbaan ku jiraa, hadhow ayuu sarkaalkii ku soo jeestay oo yiri, dadkaas ayaad wax iiga dhigaysaa. Sarkaalkii Soomaaliga asagoo niyad jabsan ayuu iska huleelay.

Qarankeenu sharaf dhac iyo magac dil horuu usoo maray walina waa ku jiraa, Qalbi Dhagax haday Ethiopia codsatay ninka u diidi lahaa waa kuma? Ma mid aan Soomaali ahaynbaa? Waayo Soomaali waxa aan ognahay in qabaa’ilkii wada dhashay manta is bixinayn, Madaxdii wadanku doortay ayaa har cad la yiri xilka ka dagta, Soomaalina ma oran karin anaga ayay madax noo yihiin. Ma la ilaaway Jenday Farayzier oo Mareykanka ahayd, markii  Madaxweyne Cabdullaahi ku qasabtay in uu iscasilo, sidoo kalena Ra’isulwasaare Farmaajo ayaa 19 Jun 2011, Uganda ku qasabtay in uu iscasilo, Shiikh Shariif bay ku dhacday, mase ilooowday maalintti Madaxweyne Xassan Sjiikh Shirka London ee Boqoradu hogaaminaysay loogu yeeray, markuu shirkii furmayna loo diiday oo dyaarada ku laabo la yiri, ….xagee joogaa Qalbi Dhagax? Lax walba shilalkay is dhigto ayaa lagu gawracaa.

ONLF iyo Qalbi dhagax kalgacaylka maanta loo qaaday, haday run ahaan lahayd maxaa iga dhimi lahayd,,,, wayoo way. Waxaan xasuunahay 27 sano ee la soo dhaafay in ONLF dagaalamaysay, qoys iyo gobal Soomaaliyeed oo garab u noqday ahna ayan jirin, min Lug-hayo ilaa Raas Komboonina Ethiopia loo wada dhiibayay, iskadaa in loo dhiibee la layn jirayba. Dowladan Maanta lagu eedeynayo, waxa ay matashaa shacabkaa 27 sano hagranayay ONLF iyo Qalbi dhagaxba, see manta loogu eedeeyaa ayagii wixii aad 27 sano ku dhaqmayseen.

ONLF laftigeeda ayaa og in ayan Soomaaliya ku nabad galayn, waayo? Cadowga ay la dagaalamayaan Soomaaliya in ka badan 10,000 askari ayaa ka jooga, waxaa dheer sirdoonkeeda iyo maamulada gacansaarka la leh, marka ONLF in ay dhawaqa Khaa’inulwadanka Soomaaliga ah gacansiiso gurbaankuu garaacayo waa laga fiican yahay. Sababtoo ah Soomaaliya manta ayadaa u baahan in la isku soo cesho, la walaaleeyo, dastuur iyo xeer ay kuwada dhaqmaan helaan, hanaan dowladeed iyo nidaam dhamaystiran dhidibada loo taago, ka dibna Soomaaliya oo khayrkeed dhinac istaagi karta waxna la qaybsata la helo. Maalintaas Qaran Soomaaliyeed qofkuu hagrado ha la arko.

Madaxda talada hada haysa hadaan lala shaqayn sidii Soomaaliya la iskugu soo celin lahaa, loo walaalayn lahaa, nidaam iyo sharci ka wada dhaxeeya oo isku wada lagu hirgalin lahaa, waa been waxa durbaanada loo tumaa.

Mucaarad ma loo baahan yahay?

Haka yaabin… yaa la mucaaradaa? Wax kuu dhisan ma leh, mucaarad waxa uu ansax yahay marka qaran dhisan oo nidaam iyo qaanuuni u dagsan yahay, cudud iyo ciidanna leh, dhaqaalihiisana is bixin kara, waa markaas Mucaarad markuu inta soo istaago oran karo saaxiib ra’yi ka duwan kaad haysid baan wadaa. Laakiin marka meel aan waxba jirin aad leedahay mucaarad baan ahay, mucaarad ma tihide khaa’inul wadan ayaad tahay, waana halka Soomaali ka tiri, LABADA HARAGA ISKU HAYSTA HOOYADOOD WAA SIDA GACANTAAS. Dowladnimada aan sheeganaysidba marka ay qaawan tahay, mucaaradkaa sheegataa waa ahbalnimo, HALKII AAD DHARKA KU DADI LAHAYD.

Waxaan ugu baaqayaa ruuxwalba oo rajo ay uga jidho Soomaaliya in marxalada adage ee lagu jiro dibna loogu yagleelayo qarannimadii luntay u istaagaan sidiii ay u gacan uga gaysan lahaayeen, Khaa’inul Wadankana iskaga ilaalin lahaayeen. Waxa taas lagu gaari karaa Wadaniyiinta Xilka idiin haysa iyo idinkoo isku duubma, kana gun gaara himilada ay idiin xambaarsan yihiin.

Waxaan kusoo gunaanadayaa Soomaaliya waxa la haray waa Khaa’inul wadan waanse hubaa in laga guulaysan doono, waxana idiinka tagayaa ducadan Eebow ka badbaadi dhulka Soomaaliyeed dhagarta Khaa’inul wadanka, iska horkeenka shacabkeena, iyo masiibooyinka aduunka manta ka dhacaya. Eeboow calankayaga buluuga ah nasiib usii in uu ka babado ciidayada asagoo xor ah, sharf iyo karaamo leh, dadkiisuna ku hiranayaan, ayagoo isjecel wiil iyo walaalna isku ah. AAMIIN ILA DHAHA IDINKUNA.

By Muhiadin Hussein
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

- Advertisement -

Read more

Local News