Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamino Eelaay oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka hadashay doorashada Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, xilli haatan ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada.
Aamin oo garoonka Shaati Gaduud u tegtay soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Sheekh Aadan Madoobe oo kamid ah musharrixiinta ugu cad cad ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in qaban qaabada doorashada ay ku socoto jawi deggan.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegtay in Aadan Madoobe uu yahay rug-cadaa siyaasadeed oo isku wadi karo bulshada Koonfur Galbeed, iyada oo sidoo kale shacabka ugu baaqday in laga shaqeeyo nabadda Baydhabo.
“Maanta waa maalin wayn guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya ayaan soo dhaweyneynaa waana musharax madaxweyne waxaan is leeyahay waa ninkii isku keen hayn lahaa oo ilaalada Power Sharing” ayay tiri Aamina Eelaay.
Sidoo kale waxay kusii dartay “Dhammaan reer Baydhaba waxaan leeyahay garbaha aan is qabsano nabadda aan ka wada shaqeyno nabadaa naas la nuuga leh”.
Safarka Aadan Madoobe ku tegay Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Somalia ay dadaal xooggan ku bixineyso qaabeynta hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu xilka ka degay 30-kii Maarso, maalmo kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen Baydhabo.
Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Aadan Madoobe loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.
Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.
Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqyada Baydhaba iyo hakadka ku jira isku-shaandheynta xukuumadda ayaa muujinaya in Villa Somalia ay hadda mudnaanta siineyso xakameynta siyaasadda Koonfur Galbeed, kahor inta aysan qaadin tallaabooyin kale oo gudaha xukuumadda ah.

