Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Muqdisho.
Waxa ay ahayd safar aan horey loo sii shaacin, maadaama Shariif uu ahaa hoggaamiye dhawaanahan la kulmayay siyaasiyiinta ay doorashadii dhawayd ku loolameen.
Madaxwayne Farmaajo ayaa u yeeray Shariif waxaana ujeeddadiisu in dhawr waxyaabood oo kala duwan ka caawiyo dawladda Farmaajo.
Waxyaabaha Farmaajo uu ka doonayo in uu Sheekh Shariif ka saacido waxaa kamid ah:-
Xal u helidda khilaafka yar ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Kheyrre kaas oo hadda uun dibadda usoo baxaya.
Doorkiisa ku aaddan xildhibaannada Mooshinka wada iyo sida looga hortagi lahaa.
Xal u helidda Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la saftay xildhibaannadii Mooshinka waday.
Iskaga soo wada jeesashada iyo xal u helidda arrinta beryahan dawladda saameysay ee dhiibidda Qalbi Dhagax.
In uu ka caawiyo ka guuleysashada duufaannada siyaasadeed ee dalka ka kacay dhawaanahan.
In ay sii xoojiyaan saaxiibtinimadoodii iyo isku aragti dhawaanta dhanka siyaasadda.
In uu lataliye kaga noqdo beel waynta Hawiye oo uu ka dhashay.
In Uu Wakiil kaga noqdo beeshiisa Abgaal oo gadood badan lagu dareemayo kaddib markii ay dawladda ka gaabisay la macaamilkeeda.
In Meel looga soo wada jeesto mucaaradka dalka ka jira oo Ay Damul Jadiid, iyo Daljir ugu horreeyaan.
Iyo In uu Nabad doon kaga noqdo dhacdooyinkii is xig xigay ee dalka ka dhacay gaar ahaan kuwoodii saameynta yeeshay.
Sidoo kale waxyaabo kala duwan ayeey kawada hadlayaan labada Mas’uul waxaana la rejeynayaa in ay si wada jir ah kaga soo hor muuqdaan warbaahinta iyagoo lafaguraya xaaladda r
W/D: Cabdiwahaab