Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibaato xooggan ayaa ka taagay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, oo siyaasiyiin, xildhibaano iyo dad kale ay ka dhex sameysteen guryo ay deegaan ka dhigteen.
Madaxtooyada waxaa dhex daggan qoysas iyo laamaanayaal isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaaanno, halkaasi ku nool muddo, kuwaasi oo qaarkood ku degan hab yaa leh.
Guryaha qaar, ama qolalka qaar ee madaxtooyada, waxaa la kala iibsadaa furayaasha oo ilaa 5 kun ayaa lagu iibsadaa maadaama kiro, biyo iyo koronto aan la iska rabin.
Dadka qaar waxay soo dageen 2007 oo 10 sano ayay ku caano maaleen, welina waa ay diidan yihiin inay ka baxaan.
Siyaasiyiinta qaar waxay meesha la soo galaan hub, ay ku doodaan inay isku ilaalinayaan. Waxaa u yimaada marti aan la ogayn waxa ay yihiin, taasi oo abuuri karta halis amni.
Agaasimaha madaxtooyada, Fahad Yaasin ayaa laba jeer amray in laga guuro, si madaxtooyada ay u noqoto meel qaranka loogu shaqeeyo, lagana joojiyo degaanka iyo fadhi ku dirirka
Xildhibaannada qaar ayaa ka biya diidsan in ay ka guuraan iyaga oo leh qarash ayaa iga galay iyo hebel ayaa furaha iga ijbsaday
Shalay ayaa waxa ay ku ekeyd warqaddii muddo kordhinta, ee uu Fahad ku amray in laga guuro Villa Somalia, waxaana xalay laga jaray dadkii deganaa madaxtooyada biyihii iyo korontadii, si loogu qasbo inay ka guuraan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

