Warbixin: Xildhibaanada ka faa’iideysanaya arrinta Qalbi Dhagax oo sii kordhaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa weli dood ka muujinaaya go’aanka ay xukuumada Somalia ku xalaaleysay arrinta Sargaalka ONLF Qalbi Dhagax.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan baarlamaanka Somalia oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan laga aamusi doonin go’aanka ay dowladu ku dhiibtay Qalbi Dhagax iyo kan ay xukuumadu ku xalaaleysay dhiibidiisa.

Xildhibaan Abuukaate waxa uu sheegay in go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee ku aadanaa Qalbi Dhagax in uusan aheyn mid ay filayeen shacabka Soomaaliyeed balse ay wataan shaqsiyaad gaara, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Abuukaate wuxuu sheegay in arrintii Qalbi Dhagax ay fuliyeen dad tira kooban oo shakhsiyaad ah, kuwaa oo uu sheegay inay dano gaara ka lahaayen dhiibitaanka Qalbi Dhagax, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada baarlamaanka ay meel uga soo hari doonaan arrinta Qalbi Dhagax, isla markaana ay maalinta beri ah ka doodi doonaan qodobkaasi.

Waxa uu intaa raaciyay in Xildhibaanada badi ay yihiin kuwo maalinta beri ah u tafaxeydanaaya xal u helida arrinta Qalbi Dhagax, waxa uuna suuragal ku sheegay in dhacdada ceynkaani ah ay suuragal tahay inay soo laabato.

Xukuumadu waxa ay rumeysan tahay in Xildhibaan Abuukaate iyo Xildhibano kale oo dhowr ah ay ka faa’iideysanayaan arrinta Qalbi Dhagax oo iminka u muuqata mid lagu qalbi daboolayo Shacabka.

Sidoo kale, Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa kulan ay shalay yeeshen kaga dooday go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada, kaasi oo ku saabsanaa dhiibistii Qalbi-dhagax.

Guddiga ayaa isku raacay in go’aanka xukuumadda laga dhigo waxyaabaha ugu horeeya ee looga hadli doono fadhiyada guud ee Golaha shacabka ee maalinta beri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com