Booqashada xaaska Erdogan kadib, wax ka ogow dhibaatada muslimiinta Rohingya billow illaa dhammaad

Emina Erdoğan oo ah xaaska madaxweynaha Turkiga Erdogan oo booqasho ku joogta gobolka ayaa kulanka ay la qaadatay ra’isul wasaaraha Bangladesh Sheekh Hasina uga cosaday sidii ay u soo dhaweyn laheyd Musliimiinta Rohingya ee lagu gummaado dalka Burma.

Dalka Turkiga waxaa ay ballan-qaadeen in ay bixin doonaan qarashka,  qaaditaanka iyo midka lagu martigelinayo dadkaasi muslimiinta ah, Labada Haweeney waxaa kale oo ay ka wada haldeen sidii dhibaatada loo soo afjari lahaa.

Mevlüt Çavuşoğlu wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo wafdiga la socda waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay in aan marnaba indhaha laga fiirsan dhibaatada lagu hayo muslimiinta Rohingya ee dalka Burma.

Todobaadyadii la soo dhaafay in ka badan 150,000 oo qaxootiga Rohingya ah ayaa galay dalka Bangladesh, iyaga oo ka cararaya dilka iyo dhibaatada loogu geysto Myanmar, warar laga helayo qaramada midoobay ayaa sheegaya in tirada tobodaakan Bangladesh galay ay gaarayaan 270 Kun oo qowmiyadaasi ah.

Wax Ka Baro Qowmiyadda Rohingya?

Rohingya waa qowmiyad Muslimiin ah oo lagu qiyaaso tiro ahaan 1.1 million, intooda badan waxaa ay ku nool yihiin gobolka Rakhine ee galbeedka Myanmar, kaas oo xad la leh dalka Bangladesh.

Rohingya waa qowmiyad qarniyo badani ku noolaa dalka Myanmar, Laakin xukuumadda ka jirta dalkaasi waxaa ay u aqoonsan tahay qaxooti sharci darro dalkaasi ku jooga, asal ahaanna ka soo jeeda dalka Bangladesh.

Dhibaatadan Maxaa Keenay?

2012-kii: Waxaa dhacay qalalaaso u dhaxeeya qowmiyaddan Rohingya iyo dadka deegaanka Rakhine oo badankooda aaminsan Buddhism-ka, dagaalkaasi waxaa uu keenay in Rohingya badani qaxaan.

October 2016-kii : Maleeshiyaad hubeysan oo Rohingya ayaa weerar ku qaaday bar booliis oo ku taallo waqooyiga gobolka Rakhine, dowladda Myanmar oo weerarkaasi ka jawaabeysa waxaa ku dhaqaa-day falal liddi ku ah Banii’aadnimada sida dil, dhac, kufsi, waxaa kale oo laga gubay  1,200 guri.

Xasuuqa Hadda Socda:

Xasuuqa iyo dhibaatada hadda socota waxaa ay ka dhalatay markii maleeshiyaad qowmiyadda Rohingya  ay weerar qaadeen 25kii August, taasi oo xukuumadda Myanmar iyo dadka aan muslimiinta aheyn uga jawaabeen qaab waxashnimo ah.

Dhibaatada socota waxaa dhanka Bangaladesh u cararay 150,000 qof oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya, dadka illaa hadda laga dilay waxaa ay ka badan yihiin 400 qof oo aan loo kala soocin caruur, haween, rag iyo cirroole.

Myanmar, Banii’aadamka Ma Qadariyaan:

Dalkan Myanmar waa dal ay qaramada midoobey iyo hey’adaha xuquuqul insaanka si fiican u yaqaanaan, waa dal aan lagu aqoon naxariis, Muslimiinta keliya ma ahee qowmiyadaha kale ee yar-yarka waxaa ay ula dhaqmaan si xun, in ka badan  27,000 oo dadka laga tirada badan yahay ah ayaa la sheegayaa in ka barakaceen  Rakhine State.

Cunaqabateynta Muslmiinta:

Dowladda Myanmar, keliya qowmiyaddan muslimka ah ee Rohingya ma dilaan, waxaa kale oo ay ka hor istaageen gargaarka hey’adaha qaramada midoobay, ma ogola in Musliinta helaan cunno, biyo iyo daawo, waa xaasidnimo dhameystiran.

Turkiga:

Waxaa xusid mudan dhibaatadan  oo ah mid caalami ah in beesha caalamka ay ka aamusan tahay, xitaa dalalka Carabta waxaa aad u yar hadal-heynta, arrintaasi oo keentay in Turkiga uu soo farageliyo, waana tillaabo ay musliimiinta ku faraxsan yihiin.