Isbadal Degdeg ah: Sacuudiga Oo Boqor Cusub Yeelanaya Maalmo Gudahood

Jeddah (Caasimadda Online ) – Warbixin ay daabacday CNBC ayaa lagu sheegay in uu jiro qoraal ay soo saareen Eurasia Group oo lagu ogaaday in dalka Sacuudiga uu boqor cusub yeelan doono tobobaadyada soo socda.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis uu wiilkiisa Amiir Maxamed ku wareejin doono xilka maalmaha soo socda.

Kooxda lagu magacaabo Eurasia ayaa shalay shaacisay warkan iyadoo sheegtay in ku wareejinta xilka Boqortooyada ay dhici karto toddobaadyada soo socda si loogaga hortago in suurtogalnimada in kacdoon uu ka dhex dilaaco gudaha qoyska reer Boqor ee Sacudi Carabiya

“Waxaan filayaa in Boqor Salman uu ku wareejin doono boqornimada wiilkiisa toddobaadyada soo socda haddii aysanba dhaqso ku iman si aysan mucaaradka ka dhex jira reer Boqor uga hor istaagin in uu noqdo boqorka Sacudi Carabiya.”ayuu yiri Ayham Kamel oo madax ka ah kooxda Eurasia Group.

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo haatan ah dhaxal-sugaha waxaa muddo loo diyaarinayey sidii uu xilka ula wareegi lahaa kadib markii aabihiisa Salmaan oo hadda boqor ah ay kadaba timid da’a iyo xanuunno ay ku jiraan xusuus la’aan.

Qoraalka la helay waxaa uu sidoo kale ka hadlayaa in Maxamed Bin Salmaan noqon doono Boqorka Sacuudiga sida ugu dhaqsaha badan, si looga fogaado khilaaf iyo loolan soo kala dhexgala qoyska Aala-Sacuud.

Amiir Maxamed isaga oo hadda aanan Boqor aheyn ayuu dalka Sacuudiga maamulaa, waxaa lagu eedeeyaa in uu lahaa go’aankii go’doominta Qatar, waxaa uu mas’uul ka yahay siyaasadda dalkiisa gaar ahaan sida loo wajahay dalka Yemen.

Dhaqaale ahaan, waxaa uu wadaa National Transformation Plan, “Vision 2030” iyo habab kale oo dhaqaalaha dalkaasi kor loogu qaadayo, waxaana lagu tuhmaa in uu yahay in ka furfuran madaxda kale.

Aragtida cusub ee Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan uu la yimid waxaa ka mid ah sidii looga maarmi lahaa Shidaalka 2020-ka, in la suuqgeeyo hantida ma guurtada ah ee dowladda iyo in 1.2 Milyan oo qof shaqo la abuuro si loo yareeyo Baagamuuddanimada dalka Sacuudiga 11.6% illaa 9%.