Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in kulankii Xildhibaanada ee lagu waday in looga doodo arrinta C/kariin Qalbi Dhagax uu baaqday.
Wararku waxa ay sheegayaan in kulankaasi uu u baaqday kooram la’aan kadib markii xildhibaanada xaadiray aysan gaarin cadadkii loogu tallo galay.
Xildhibaanada maqan oo lasiiyay wakhti ay ku xaadiri karaan xarunta ayaan gaarin xarunta, waxaana lagu dhawaaqay inaanu buuxsamin kooramka.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka uu buuxsami waayay.
Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka ayaa la sheegay inay ku maqan yihiin fasax dalka dibadiisa ah, waxaana sababta ugu weyn ee baaqashada kulanka lagu sheegay maqnaanshiyaha Xildhibaanada.
Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in fashilka kulanka ay ka danbeysay Xukuumada Somalia, iyadoo ujeedka lagu sheegay baadi-goobka fursad lagu kala furfuro Xildhibaanada.
Kooramka Sharciga ah ee kulamada Baarlamaanka ay ku furmaan ayaa wuxuu yahay 139 Xildhibaan, haddii ay soo xaadiraan 138 Xildhibaan, kulanka lama furi karo.
Ma cadda xiliga uu qabsoomi doono kulanka maanta fashilmay, inkastoo la shaacin doono wakhtiga soo socda ee uu qabsoomi doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]