Qeybtii 1-aad ee warqadihii Osama Bin Laden: Warqaddii uu u diray wiilkiisa Xamza

Shabakadda Caasimadda Online ayaa idiin bilaabi doonto Maanta Qoraalo Musalsal (Taxane) ah oo aan kusoo qaadan doono Documentiyo (Waraaqo) laga dhaxlay Osma Bin Laden oo ahaa hoggaamiyihii Ururka Al-Qaacidda ee saldhigooda ugu weyn yahay Afghanistan.

Documentiyadaas ayaa isugu jiro doono Kuwa loo diray Xubno ka tirsan Ururkaas, Xisaab xir, Dardaaran, Lacag qaadasho,  Warqad Loo Diray Walaal, Warqad Lagu Xaqiininaayo In Lacag La Helay, Warqad Loo Diray Walaal, Warqad Loo Diray Abu Yahya, Warqad Atiyah U Diray  Abu Basir, Warqad Hindiso Ku Aadan Sidi Abu Yahya Lagula Kulmi Laha, Qoraal Wato Ciwaanka “Kulan Lala Qaadanayo Mujaahid” iyo kuwa badan oo aan inta kusoo koobi karin oo qaarkood ay shaaca ka qaadayaan xog xasaasi ah.

Documentiyadaan ay Caasimadda Online heshay guud ahaan waxay ka kooban yihiin ilaa 49 Document kuwaas oo ku qoran luuqadaha English-ka iyo Carabiga, balse si aan akhristayaasheena ugu faa’ideyno ayaan go’aansanay inaan uga soo dhigno Luuqadda Afka Hooyo ee Soomaaliga ah.

Marka Hore Yuu Ahaa Osama Bin Laden, Akhriso Taariikhdiisa oo kooban:

Hogaamiyahii Shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin wuxuu ahaa nin dunida loogu raadsika badan yahay  wuxuu ahaa 54 sano jir mudo 10 sano ay baadigoob ku hayeen sirdoonka Mareykanka & dalalka reer Galbeedka.

Osaama Bin Ladin oo Mareykanku ay ku eedeeyaan in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weeraradii september 11 ee 2001, waxaa dalka Mareykanka looga haystay nin dambiile ah oo qatar ku ah danaha Mareykanka ee dunida iyo xitaa amaanka gudaha ee wadanka Mareykanka.

Wadaadkan Milyuneerka ah ee isaga tagey nolashii raaxada aheyd kana doortey in uu dhuumalaysi galo ilaa laga dilo waxaa uu dhashey sanadkii 1957 bishii March 10-keedii, waxaana uu ka dhashey qoys ladan oo lacagta si weyn ugu xidideysatey, waa wiil madi ku ah hooyadii Hamida Al- Attas marka la eego qoyska reer Bin Ladin.

Aabihiis Bin Ladin wuxuu ahaa maalqabeen hantidiisu is arki waydey, waxaana xiriir aad u xoogan uu la lahaa qoyska reer Boqor Sacuud ee talada boqortooyada Sacuudiga maamulayey sanooyin fara badan.

Osaama aabihii xiriirkii uu la lahaa qoyska reer Boqor waxay ka dhigtay in uu helo fursado caqliga ka baxsan oo uu ku kasbadey hanti malaayiin doolar gaaraysa, waxaana badi hantidaasi ay ka soo xarootey shirkada caanka ah ee dhismaha qaabilsan ee Bin Ladin Contraction Combany waana shirkada inta badan dhistey dhismayaasha ugu caansan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ka mid yihiin dhismayashaa dhulka barakeyysan ee Maka iyo Madiina.

Yaraantiisii Osaama wuxuu ahaa nin ku ad adag diinta sida ay sheegaan caruurtii ay isla noolaayeen gaar ahaan kuwa la dhashey, waxaana ay sheegeen inay arki jireen isagoo si weyn u muujiya in uu doonayo in uu noqdo  nin diinta Islaamka u adeega.

Osama wuxuu ka mid ahaa 50 caruur ah oo uu dhaley Mohamed Bin Ladin waana cunaga 17-aad wuxuu dhaley 23 caruur ah isagoo guursadey shan xaas oo kala duwan.

Waxbarashadiisii

Osama wuxuu ku koray waxbarashada qur’aanka iyo tan maadiga isagoo yar waxaana uu dhigan jirey iskool ay maamulayeen macalimiin iyo maamulka Ikhwaanu Muslimiinka ama waxaa la sheegay in aad loogu diyaariyey fikradaha Wahahabiyada.

Sanadihii 1968 ilaa 1976 wuxuu dhigan jirey iskool lagu magacaabi jirey Al-Thager oo ku yiil magaalada Jidah.

Osama wuxuu bartey cilmiga dhaqaalaha Businiess administration oo ku bartey jaamadacada King Abdulazia University,waxaa kale oo jira in uu bartey degree in civilengineering  isagoo sidoo kale 1979-kii qaatey degree la xiriira Puplic Administartion.

Horaantii Sanadkii 1980-kii ayuu wiilkan yar ee hantiilaha wuxuu soo jiitay indhaha bulshada caalamka ka dib markii hantidii uu lahaa ee balaayiinka doolar gaaraysay uu ku bixiyey dagaalkii wadanka Afganistaan lagaga xoreynayey Midowgii Soofiyeeti, wixii xiligaasi ka dambeeyey wuxuu bartilmaameed u ahaa laamaha sirdoonka Mareykanka iyo warbaahinta.

Markii uu qarxay dagaalkii Afganistaan sanadkii 1979-kii wuxuu bustihiisa u qaatey buuralayda wadanka Afganistaan lacag malaayiin doolar gaaraysa horey ayuu u sii qaatey, wuxuu halkaasi ka hirgaliyey xerooyin tababar, buundooyin lagula dagaalamo ciidamadii midowga soofiyeeti, waxaana uu aasaasey xoogag u badnaa Carab oo Afgaanistaaniyiinta ku gacan siiyey inay la dagaalamaan Midowgii Soofiyeeti.

Xiriirka Mareykanka & Bin Ladin

Warar sirdoon ayaa sheegaya in xiligaasi Mareykanku uu gacan siiyey kooxihii la dagaalamayey midowga Soofiyeeti, waxaana dhici kara ayaa la leeyahay xiriir dhexmarey Mareykanka iyo Bin Ladin oo ku aadanaa sidii loola dagaalami lahaa Midowgii Soofiyeete.

Hase yeeshee colaadii iyo dagaalkii ka dhanka ahaa Midowgii Soofiyeete wuxuu isku badalay dhinca kale, taasi waxay ka dambaysday markii Midowgii Soofiyeeti laga saarey wadanka Afgaanistan.

Sanadkii 1989-kii Bin Ladin wuxuu dib ugu soo laabtey wadankiisa Sacuudiga, laakin sanad ka dib Sadaam Xuseenkii Ciraaq Madaxweynaha ka ahaa ayaa xoog ku qabsadey wadanka yare e darsika la ah ee Kuwait waxaana taasi ay keentey in Mareykanku uu sameeyo xulufo isbahaysi ah oo la doonayey in Kuwait looga xoreeyo wadanka Ciraaq oo xoog ku qabsadey.

Xulafadii Mareykanku helay waxaa ka mid ahaa Sacuudiga, waxaana ay taasi keentey in ciidamada Mareykanka ay saldhigyo ciidan ka helaan dalka Sacuudiga, taasi ayaa keentey in Osaama Bin Ladin uu si aad ah arintaasi uga horyimaado talaabada boqortooyada

Sacuudiga Bin Ladin wuxuu si weyn u dhaliiyey siyaasada Boqortooyada Sacuudiga, isagoo ku eedeeyey inay Mareykanka dajisey dhulkii Barakaysnaa, waxaana Mareykanka uu ku tilmaamey cadowga Islaamka, taasi waxay keentey in Bin Ladin laga saaro wadanka Sacuudiga oo uu tago wadanka Suudaan halkaasi oo uu ku noolaa mudo sanooyin ah.

Mudadaasi wixii ka dambeeyey wuxuu soo saarey fatwooyin dhawr ah isagoo sheegayey in Mareykanka lala dagaalamo, oo laga saaro dhulka barakayasan.

Weeraro ka dhacay wadanka Sacuudiga oo lagu qaadey danaha Mareykanka ee wadankaasi iyo waliba saldhigyada ciidamada Mareykanka ee wadanka Sacuudiga ayaa waxaa lagu eedeeyey Bin Ladin uu ka dambeeyey, taasi oo sii xoojisey nacaybkii ay isku qabeen Mareykanka iyo BinLadin

Sanadkii 1993-dii ayuu ku dhawaaqey Ururka Al-Qaacida oo uu sheegay in looga gol leeyahay inay la dagaalamaan Mareykanka iyo wadamada reer Galbeedka oo uu ku sheegay inay Islaamka ka dhigeen wax ay duleystaan.

Bin Ladin wuxuu sii noqdey nin soo jiita indhaha sirdoonka Mareykanka, waxaana dadka Mareykanka lagu shubay in Bin Ladin uu ku yahay Qatar ayna ka digtoonaadaan.

Weerarkii Aden, Yemen, USS Cole

Sanadkii 2000 dalka Yemen gaar ahaan magaalada Cadan waxaa ka dhacay weerar si caaqibo leh loo soo agaasimay waxaana doon ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa lala beegsadey markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo lagu magacabu jirey USS Cole waxaana weerarkaasi ku dhintey 17 ciidamada Mirenes-ka Mareykanka ee markabkasi saarnaa.

Weerarkii Kenya & Tanzania

Sanadkii 1998-kii ayaa waxaa wadamada Kenya iyo Tansaniya ka dhacay laba weerar oo isku xili dhacay oo lagu qaadey safaaradaha Mareykanka ee dalalkaasi waxaa halkaasi ka dhacay khasaare naf iyo maal leh dadka le’day waxaa ka mid ahaa Mareykan, waxaana masuuliyada weerarkaasi gorada loo surey Osama BinLadin.

Madaxweynihii Mareykanka ee xiligaasi Bil Clinton oo ay haysatey fadeexadii caanka ah ee Monica Lewinsky oo aheyd gabar aqalka cad ka shaqeyn jirtey oo lagu eedeeyey in Madaxweyne Clinton in uu gacmagacmeeyey ayaa wuxuu qaadey weerar uu ku ekeeyey wadamada Afgaanistaan iyo Suudaan, iyadoo weerarkaasi lagu macneeyey in lala maaganaa in lagu burburiyo wax Mareykanku ugu yeeray goobo Bin Ladin ku tababaro xoogag argagixiso ah.

Nacaybkii ayaa sii kordhay waxaana Bin Ladin iyo tiro saxaabadiis ah lagu darey dadka loogu doondoonista badan wadanka Mareykanka.

Weerarkii September 11

Sanadkii 2001-dii September 11-keedii ayaa waxaa dhacay wax lama filaan diyaarado Mareykanku leeyahay ayaa inta la soo afduubey waxaa lagu weeraray dhismayaal kala duwan oo ku yiil wadanka Mareykanka oo ay ka mid yihiin daarihii Ganacsiga iyo xaruntii wasaarada gaashandiga Mareykanka.

Weerarkasi waxaa lagu eedeeyey Bin Ladin mudo ka yar dib ayaa Madaxweyne Bush wuxuu sheegay in Bin Ladin nolal ama geeri la hor keeno doono shacabka Mareykanka laakin 10 sano ka dib markii weerarkaasi dhacay ayaa Obama uu sheegay in la dilay Bin Ladin.

Intaas ayaan kusoo idleyneynaa taariikhdii koobneyd ee Osama Bin Laden, waxaana guda geli doonaan Documetiyada aan idiin heyna. 

Waxaan Maanta ku Bilaabeynaa warqad uu Osama Bin Laden u diray Wiilkiisa Xamza,  waxayna sheekada ku bilaabeneysaa sidaan:

Warqad Loo Diray Osama Wiilkiisa Xamza (Letter to son Hamzah):

Waxaan ku bilaabayaa magaca Alle midka naxariista (Bismillaahi Raxmaani Raxiim)

Mahad waxay u sugnaatay Alle, nabad galyo iyo naxariisna waxay korkiisa ahaatay Rasuulka Alle.

Ku Socoto Wiilkeyga Qaaliga Ah Xamza:

Asc, Aabo wuxuu kusoo gaarsiinayaa salaantiisa wuxuuna kaa dalbanayaa inaad gobolka isaga tagtid sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan, sidoo kalena aad adiga is xalisid, waxaana muhiimada ah inaan ka fikirtid caqabadaha amaankaaga soo wajihi karo.

Waxaa lagaa doonayaa inaad gobolka ka tagtid oo aad aadidi  Baluchistan kadibna usii gudubtid  Karachi waxaana socdaalkaan ka caawin doonaan Shaykh Mahmud iyo al-Sindi, marka aad halkaas tagtid waxaad la xariirtaa lambarkaan (2261262).

Qofbaa kuu imaan doono kadibna ku wadi doono waxaana wanaagsan inaad baxid xiliga daruuraha jiraan oo cirka xiran yahay sidoo kalena aad ku baxdid gaari aan heebtiisa la aqoonin waa arin wanaagsan hadii aad sidaas sameyn kartid.

Shaykh Mahmud ayaa ku siin doono ID iyo shatiga Khalid waxayna kaa caawin karaan safarka wadada aad ku gali doontid, hadii aad dareentid in bixitaankaaga dib u dhic ku keeni karaan arimahaan ka tag hana sugan helitaanka ID iyo shatiga Khalid.

Waxa ugu muhiimsan waxay tahay inaad u hogaansatid bad badaada nafsadaada arimaha amaanka la xariiro, balan kasto oo aad laheyd kasoo tagtid weliba sida ugu dhaqsiyaha badan halkaas kaga soo bax.

Aabo wuu ku farxay warqadii aad usoo dirtay, wuuna Alle kaaga baryay inaad najaxdid wuxuuna rajeynaa inaad kulantiin si aad waaya aragnimo uga qaadatid waqtigiisii sahlanaa iyo midkiisii adkaa ee uu soo maray, shaqo badan ayuu aabo kuu diyaariyay.

Arinka buugaagta hadii aan kaala hadlo, aabo wuxuu ku leeyahay isaga tagtay buugaagta waxaana kaa soo daba diri doono xili kale Shaykh Mahmud.

Sidoo kalena waxyaabaha ay kuu soo dirtay alHalabi xaaskiisa, waa in Shaykh Mahmud looga soo tagaa, isagaa xili kale inoo soo diri doono.

Intaas ayaan kusoo gabagabeeneynaa Qeybtii ugu horeysay tixanaha Documentiyadii laga dhaxlay Osama Bin laden, la Soco Qeybta xigta Inshaa Allah .