Guddiga loo xilsaaray Kiiska Qalbi Dhagax oo doortay Guddoomiye & Ku-xigeenkiisa (Magacyo)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan la doortay Guddi ka kooban 15 xubnood oo kasoo talo bixinaaya Go’aankii ay Dowlada Somalia Ethiopia ugu wareejisay Qalbi Dhagax, ayaa waxaa soo baxaaya in Guddigaasi ay doorteen Hogaan cusub.

Guddiga oo baaritaan ku sameyn doona kiiska dhiibitaanka Qalbi Dhagax, ayaa waxaa la sheegayaa in Guddoomiye ay u doorteen Xildhibaan Cali Xoosho.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga ayaa waxaa loo doortay C/risaaq Cumar Maxamed, halka Xildhibaan Hani Maxamed Aadan loo doortay Xoghayaha Guddiga.

Xubnaha Guddiga ayaa Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa ku wargaliyay inaan laga weecan karin Hanaanka baarista ee loo maraayo kiiska Qalbi Dhagax.

Doorashada Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa kadib ayaa waxaa Guddiga kulan khaas ah la qaatay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan ”Jawaari” oo u jideeyay hanaanka baarista kiiska.

Sidoo kale, xubnaha Guddiga ayaa ballan qaaday in ay howsha loo xil saaray si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinacakale, Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa 10-ka Bisha October ee soo socota Guddiga ka sugaaya natiijo ku aadan arrinta Qalbi Dhagax ee muranka badan dhalisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com