Wararka Magaalada Kismaayo laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Diyaarad saanad hub waday ay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha magaaladaas.
Marka diyaaradan ay soo caga dhiganaysay Kismaayo ayaa waxaa la joojiyay dhaq dhaqaaqii ka jiray magaalada waxaana hakad ku yimid isusocodkii dadka iyo gawaarida.
Saraakiil Dowlada Soomaaliya ka tirsan oo aan la xiriirnay waxna ka waydiinay hubkan diyaarada ay ka soo dajisay Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay inay qayb ka yihiin imaanshaha saanada Militeri qorshaha dowlada iyo Amisom.
Diyaarada Hubkan waday ayaa waxaa ay ka soo duushay Garoonka diyaaradaha Nairobi waxaana lagu tuhmayaa inay iska leedahay dowlada Kenya.
Waxaa uu Sarkaalka Sheegay In Saanadii ciidamada ay haysteen ay go’day sidaa daraadeedna loo keenay hubkaan.