Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah Xilhibaanada Golaha Shacabka.
Xildhibaan Bootaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka India oo uu u joogay arrimo caafimaad, sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano saaxiib la ahaa oo ka tirsan baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaa geeriyooday habeenimadii xalay waxaana la filayaa in meydkiisa loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Bootaan, oo habeenkii xalay ku geeriyooday isbitaalka ku yaalla dalkaasi Hindiya.
Dhinaca kale, Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa ka mid ah Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah Maamulka Galmudug, waxaana xusid mudan in markiisii hore uu kamid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

