Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha dalka Brazil ee Koonfurta Amerika Michel Temer ayaa isniintii hore cambaareeyay qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ilaa hadda galaabsaday inkabadan 300-qofood.
Isagoo isticmaalaya bartiisa Twitter ka ayuu ku yiri madaxwayne Michel Temer “Aad ayaan uga naxsannahay weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Soomaaliya, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal qofood, ma oggolaan doonno qaab kasta oo ay iska dhigaan argigixisada,”
Estamos consternados com o ataque na Somália, que fez centenas de vítimas. Repudiamos toda forma de terrorismo.
— Michel Temer (@MichelTemer) October 16, 2017
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda dalka Brazil ayaa axaddii isna soo saaray war murtiyadeed uu ku cambaarreynayo weerarkaas.
“Sida ay u dareemayaan xanuunka iyo walaaca ehelladii ay dadka kaga dhinteen dhacdada ka dhacday Soomaaliya, ka Brazil ahaan waxa aan laqaybsaneynaa murugada, mana oggalaan doonno in argigixisada ay waxyeeleeyaan dad masaakiin ah” Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Dalka Brazil.
Sidoo kale xiddigga caanka ah ee kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Brazil David Luiz ayaa isna muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatada ku habsatay dalka Soomaaliya uun rejeynayo in ay kasoo kabsadaan.
Horrifying and heartbreaking. Prayers and thoughts for Somalia. ☹️
— David Luiz (@DavidLuiz_4) October 17, 2017
Dawlado badan oo aysan Soomaaliya saaxiibbo ahayn ayaa xitaa soo dhaleeceeyay weerarkaas kaas oo lagu sheegay in uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ebid ee dalkaas ka dhaca.

