Hey’addaha ammaanka oo sameeyay taleefanka Xaaladaha degdega ee lagala soo xiriiri karo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Laamaha ammaanka dowladda Federalka Somaliya oo ka jawaabaya xaaladaha ku aadan gurmadka la xiriira dhanka ammaanka iyo ficilada kale ee Muqdisho ka dhaca ayaa sameeyay taleefoon gaar ah oo dadka ay kala soo xiriiri karaan.

Arrintaan ayaa waxaa bartiisa Facebook ku xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.

Sidoo kale Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Ducaalle Islow ayaa Bartiisa xiriirka Bulshada ee (Facebook) wuxuu soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo taleefoonka gaarka ah ee Hay’addaha ammaanka sameeyeen.

“Hay’addaha amniga waxay sameeyeen Telefoonka xaaladdaha deg degga ah dadku kala soo xiriiri karaan wixii akhbaar ahna u gudbin karaan WAC 991.” Ayuu yiri Wasiirka amniga oo qoraalkaan soo dhigay boggiisa xiriirka Bulshada.

Taleefoonkaan ayaa kusoo aadayo waqti xasaasi ah kadib markii 14 Bishaan qarax musiibo ahaa uu ka dhacay isgoyska Zoobe kaasoo galaaftay nolosha ku dhawaad 300 qof halka dhaawacana lagu sheegay ilaa 250 kale.