Xog ka cusub shirka DF iyo maamul goboleedyada iyo 6 qodob oo….

Muqdisho (Caasimada Online) – Magalaada Muqdisho waxaa weli ka socda kulan maamulada dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Federalka uga wada xaajoonayaan Ajande ka kooban Lix qodob kuwasoo ay kawada hadlayaan guddiyada farsamada ee labada dhinac.

Guddiyadaan oo uu shir gudoominayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca maamulada waxaa u fadhiya kulankaas xubno ka kala socda 5 maamul goboleed.

Wararka aan ka haleyno kulankaas ayaa sheegaya in diirada lagu saarayo wadahadalkaan u dhexeeya guddiyada labada dhinac ka socda sidii looga heshiin lahaa 6 qodob ee uu ka kooban yahay Ajendaha shirka, iyadoo xogta aan heleyno xuseyso in maalinta berri ah ay u yeerteen Wasiirka Dastuurka iyo Qorsheynta Dowlada Federaalka, kuwasoo su’aalo laga waydiin doono howlaha ay gacanta ku hayaan.

Guddiyada matalaya Dowlada Federaalka ayaa ka saraakiil ka socota Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya iyo Ra’isal wasaraha iyadoo Wasiirka arimaha gudaha uu ka cayaarayo door dhexdhexaadin labada dhinac ah.

Qodobka xusidda mudan, guddiga ka socda Xafiiska RW Soomaaliya ayaa waxaa horkacaya Agaasimhii guud ee Wasaarada arimaha gudaha ee xilka laga qaadey Yaxye Cali Ibraahim.

Dhinaca kale waxaa kulan albaabadu u xiran yahay u socdaa madaxda Dowlada Federaalka iyo maamulada iyadoo aysan jirin Warar saxafada ka hayso ilaa hadda.

Kulanka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa si rasmiya u furmey iyadoo khudbado ka akhriyeen madaxda labada dhinac.

Dadka siyaasada la socda ayaa khudbadihii xalay la jeediyey u arkayey iney ahaayeen kuwo lagu wajahayey amniga, iyadoo dhinacyadu ka fogaadeen khilaafyada siyasadeed oo jira kuwasoo saldhig u ah wada shaqeyn la’aanta labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com