Sawirro: Madaxda DF iyo maamulada oo war culus kasoo saaray doorashada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda ayaa si qoto dheer uga wadahadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaanada maamulka Somaliland.

Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa si wada jira usoo dhaweeyay ololaha doorashadda maamulka Somaliland, waxa ayna tibaaxeen inay dusha kala socon doonaan hanaanka doorasho.

Waxa ay madaxda iyo Hogaamiyayaasha sheegen inay soo dhaweynayan doorashadda oo ah mid muhiim ah, islamarkaana ay ku baaqayaan in la ilaaliyo Ammaanka iyo dimuquraadiyada.

Waxa ay tilmaameen inay ahmiyad gaara leedahay in xiligaan ay doorasho qabsadaan maamulka Somaliland, waxa ayna dowladu carab dhawday inay la socoto qaababka ay u socdaan ololaha doorasho.

Nuqul kamid ah hadalka madaxda iyo hogaamiyayaasha ayaa aha ”waxaan bogaadinaynaa doorashada maamulka Somaliland, taasi oo si wanaagsan u socota, waxaana rajeynaynaa in ay si nabadgalyo ah ay kusoo dhamaato”

Geesta kale, magaalooyinka hoostaga maamulka ayaa waxaa ka socda ololihii ugu danbeeyay waxaana sidoo kale halkaa ku qulqulaaya guddiyo heer caalami ah oo qeyb ka noqon doona kormeerayaasha doorashada.